Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Hormuud oo ka hadashay dilkii shaqaalaheeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka hadashay dilka lix ka mid ah shaqaalaheeda oo gaari ay saarnaayeen qarax lagula beegsaday deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay shirkadda Hormuud ayaa lagu yiri “lix ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa ku naf waayay qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho”.

“Qaraxan oo ahaa miino jidka lagu aasay ayaa lagu qarxiyay gaari ay wateen hawlwadeennadan, xilli ay ka soo baxeen xarunta shirkadda ee deegaanka Garasbaalley, ayna ku sii jeedeen xarunteenna deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ka howlgali jireen” ayaa la raaciyay qoraalka.

Shirkadda ayaa shaqaalaha geeriyooday magacyadooda ku kala sheegay, Xuseen Macalim Cabdi Weheliye, Maxamed Cabdulle Wardheere, Maxamed Axmed Weheliye, Cabdikariin Cismaan Cabdi, Cabdinaasir Axmed Maxamuud iyo Cabdifitaax Nuurre Cabdi Fiidow.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay in ay jiraan qaraxyo kale oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan lagula eegtay shaqaalaheeda, kuwaas oo gaystay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, dhacdadan middii ka horreysayna ay ahayd 19 bishii la soo dhaafay ee Maarso oo qarax lagu burburiyay mid ka mid ah laamaheeda degmada Howlwadaag.

IMG_20240429_000440.jpg?resize=990%2C128

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Hormuud oo ka hadashay dilkii shaqaalaheeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this