Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo soo saaraya diyaarado rakaab oo u gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka ayaa wadda qorshe ay dalal dhowr ah ka qaybqaadanayaan oo lagu soo saarayo diyaaraddo u gaar ah oo rakaabka iyo xamuulka qaada, taasoo u muuqata tallaabo ay ku doonayaan inay ku dhisan suuq dunidda kula tartama diyaaradaha ay soo saaraan shirkadda reer galbeedka ee Boeing iyo Airbus.

Ruushka wuxuu bartamihii bishan heshiis arrintan la xiriira la galay dalka Belarus, waxaana hadda lagu warramayaa inay ku soo biirtay Iran, xilligana ay doonayaan inay kordhiyaan tirada dalalka ka qaybqaadanaya si ay u fududaato suuq loo helo diyaaradahan.

Ruushka wuxuu horey ugu guuleystay mashruuca Sukhoi Superjet oo soo saartay diyaaraddo maxalli ah, balse cunaqabateynta reer galbeedka ayaa hoos u dhigtay inay shirkadda suuq ka hesho dunidda.

Shiinaha ayaa isagana si iskiis ah u soo saaray diyaarad nooca rakaabka iyo xamuulka qaada ah ee COMAC, taasoo ka gudubtay tijaabadii.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo soo saaraya diyaarado rakaab oo u gaar ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this