Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beeraysa 20,000 oo geed todobaadka dhiraynta

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20240428-WA0003.jpg?resize=1000%2C54

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor ayaa maantay Garoowe ka daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo mudo 7 cisho ah ka socon doona deegaanada Punland.

15 degmo oo kamid ah Puntland ayaa la qorsheeyey in lagu beero 20,000 oo geed mudo todobaad ah si kor loogu qaado bilicda magaalooyinka ayna uga qayb qaataan yaraynt saamaynta isbadalka cimiladda.

Waxaa lagu soo bandhigay xog aruurin laga sameeyey caqabadaha haysta deegaanka oo ay kamid yihiin jarista dhirta, dhuxusha, wasakhaynta deeganka iyo sida loo yarayn karo saamaynta isbadalka cimiladda.

Saamaynta isbeddelka cimiladda ayaa noqotay  mid ballaaran waxaana dunidu ay wajahaysaa maalmo kulayl badan, abaaro daran, biyo la’aan, daadad iyo duufaannada masiibada ah kuwaas oo Soomaaliya saamayn xoogan ku yeeshay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beeraysa 20,000 oo geed todobaadka dhiraynta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this