Sign in to follow this  
Kamaavi

Sh. Axmed Madoobe oo diidey in uu Alshabaab la heshiiyo

Recommended Posts

Kamaavi   

KN: Xogtii ugu horeysay ayaa kasoo baxayso iskudayo Alshabaab ay dhawaanahan waday oo ahaa in ay soo xerogaliso Sh. Axmed Madoobe

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarakada Alshabaab ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey in ay qanciso Axmed Madoobe oo ay horey ula dagaalameen, waxay u direen ergo xaga isgaarsiinta kula xariirtey wadaadka oo isaga iyo ciidamo uu wata ay ku suganyihiin duleedka Afmadoow.

 

Dadkii ergo ahaanta loogu direy waxaa ka mid ahaa Sh. Maxamed Dulyadeyn ka hor intii uusan ku biirin Alshabaab koowdii bishan, iyo sidoo kale Sh. Xassan Turki ka hor intiisii uusan dhankooda noqon, balse la sheegey in Xassan Turki uu diidey in uu la hadlo Axmed Madoobe, shabaabkana ku yiri “idinkaa la dagaalaye, idinka la heshiiya”.

 

Waxaa la sheegey in Shabaabku ogolaadeen in ay qaataan mas’uuliyada dagaalka Jubooyinka ka dhacay, haddii uu Sh. Axmed la heshiinayo, balse uu Sheekh Axmed kasoo istaagay heshiiska isagoo leh “waxaan xabad ahayn inagama dhaxayso”, horaan ayuu ugu tilmaamay Shabaabka in ay yihiin niman “takfiir ah”.

 

Alshabaab ayaa Sh. Axmed u ogolaaday in ay Jubooyinka u magacaabaan haddii uu la heshiinayo, balse markii uu diidey yaboohaasi waxaa la fahamsanyahay in uu ka faa’ideystey Dulyadeyn oo haatan ku biirey Alshabaab, heshiiska Baydhabo waxaa saxiixey waaliga Jubooyinka Abuubakar Zeeylici oo ay tahay in uu dhaqangaliyo heshiiska la gaaray.

 

Alshabaab ayaa aad ugu baahan in ay la heshiiyaan Sh. Axmed maadaamaa uu haatan heysto culees kaga imanaya dhanka Kenya, iyo waliba taageerada dadka gobolka oo ay inta badan lumiyeen kadib dagaalkii ay gobolka ka rideen isagoo xasilan, wadahadlna lagu dhamayn karay wuxuu isfahamwaa ah.

 

Haatan maadaamaa ay ka quusteen wax heshiis ah waxa ay ku qasbanyihiin in ay dagaal ka galaan labbo aag oo kala ah dhanka kenya iyo gudaha oo Axmed Madoobe uu u taaganyahay in uu ka faa’iideysto fursad kasta oo meesha kasoo baxda, gaar ahaan ciidamada laga yaabo in ay ka falaagoobaan Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this