Sign in to follow this  
Deeq A.

Meta, shirkadda leh Facebook oo khasaartay $200 bilyan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaarahan ayaa yimid kadib markii ay shirkadu shaacisay in ay ku maalgalinayso lacag ka badan midii hore ay ugu qorshaysay barnaamijkeeda Garaadka Macmalka ah si ay u horumariso.

Intaas kadib dadka ku leh saamiga shirkada Meta ayaa bilaabay in ay iska iibiyaan saamigii ay kulahaayeen shirkadaas, taas oo keentay khasaaro wayn oo 13% saamigii shirkadaas ah. Saamiga shirkada ee 12 bilood ee u dambeeyey faa’iido wayn ku naaloonaayey oo ah 116% ayaa dhabar jabwayn dareemay saacado gudahood.

Mulkiilaha Meta iyo shirkada Facebook Mark Zuckerber ayaa isna khasaare xoogan ka soo gaadhay hoos u dhacan ku yimid shirkada, ka hor intaan la shaacin warkan Mark Zuckerber wuxuu kaalinta saddexaad kaga jiray dadka ugu qanisan aduunka, balse wuxuu lumiyey $20 billion.

Mark Zuckerberg ayaa la lahaa shir khubarada dhaqaalaha iyo maalgashadaasha kaas oo u kaga warbixinaayey maxsuulka maaliyadeed ee shirkada Meta saddexdii bilood ee ugu horeeya sannadka. Zuckerberg ayaa bixiyey tafaasiil dheeraad ah ama sharraxaadyo ku saabsan waxqabadka maaliyadeed ee Meta iyo wixii qorshe ama xeelado ah oo la xidhiidha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this