Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu fuliyay ‘dil toogasho’ + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
maxkamada-qalabka-sidaaaaaaaaaa.jpg?fit=

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo Guutada 18-aad ee Gorgor ka tirsanaa.

Cabdikaafi ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, halka Iidle Cumar sidoo kale lagu helay dilka Bilan Xaashi Salaad, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta dowlad goboleedka Galmudug.

Qisaasta ayaa raggan maanta lagula fuliyay degmada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taasi oo aad loo dhaweeyay.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

438822687_918039407029333_35729769441123

438805400_918039417029332_47442067723107

440577520_918039397029334_47234526536878

The post Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu fuliyay ‘dil toogasho’ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this