Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Kulan Sagootin ah La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay ee Dowladdu Erisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

Wasiirka ayaa Ergeyga kala hadlay ka miro-dhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka Alshabaab iyo qorshaha ay ciidamada Qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska Ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa la filayaa inay horraanta bisha may shaqada ka tagi doonto sida uu sheegay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this