Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO oo u baahan isbeddel maamul oo deg deg ah afar arrin dartood

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.jpg?fit=2560%2C1668&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waa meesha laga qiimeeyo dowlad kasta oo fadhisa Villa Somalia. Amniga, dhaqaalaha, jaceylka bulshada iyo adeegyada dowladnimadaba waxay guud ahaan Soomaalida eegta magaalada Muqdisho.

Haddii aanay arrimahaasi hagaagsaneyn micnaheedu waa waxba uma hagaagsana dowladda dhexe.

Muqdisho waxaa maanta yaalla dhowr xaaladood oo amraya inuu isbeddel maamul yimaado, oo la helo duq magaalo oo arrimahaasi maareyn kara.

Dhacdooyinka ugubka ah ee waayahan ka curtay magaalada Muqdisho iyo jawaab la’aanta maamulka gobolka Banaadir waqti badan kuma lumineyno, laakiin afartaan arrimood ee soo socota ayaa dhamaanteen na fahamsiinaya in aanay caasimada hureyn isbeddel maamul.

1. Xiisadda dhulalka ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo danyarta caasimadda

Sabtidii Xamar waxay ku sigatay inay isku dhacaan booliska federaalka iyo dadka magaalada kadib markii uu booliska federaalka dalbaday in loo baneeyo dhul ay deganaan jirtay waaxda dab-demiska ee booliska dowladdii kacaanka.

Amarka booliska federaalka iyo tallaabadoodaba wax tallo ay kuma laheyn maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu ahaa qofka laga rabay inuu qiimeeyo daruufta dadka meeshaas degan, la raadiyo deegaan, ka shaqeeyo inay xaaladdu si nabad ah ku dhamaato oo uu waqtina ka soo qaato booliska.

Laakiin duqa magaalada waxba kuma darsan arrintaasi, wuxuuna kasoo qaaday in dadka la eryanayo aanayba ku nooleyn magaalada uu ka taliyo, taas oo dhalisay in hoggaamiye ka taliya gobol kale inuu arrintaas xalkeeda galo.

Faddeexad weyn ayay taasi ku tahay maamulka gobolka Banaadir, dadka qaarse waxay leeyihiin faham darro maamul.

Weli arrimaha dhulalka waa taagan yihiin, waana taagnaayen labadii sano ee u dambeysay. Haddii aan la helin hoggaan munaasab ku ah caasimadda oo leh faham uu ku xalin karo mushkiladaha deegaan ee Muqdisho ka jira, dowladda kama bixi doonto sumcad darrada ka haysata dhulalka danta guud iyo barakicinta danyarta.

2. Xiriirka shacabka iyo dowladda dhexe

Iyada oo bisha soo aadan ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano ayaa dhinaca kale waxaa si weyn usoo muuqaneysa inay dowladda naceyb kala kulmeyso bulshada caasimadda.

Waxaa ugu wacan maareyn xumada dhacdooyinka maalinlaha ah iyo dadka Muqdisho degan oo aan helin wax adeeg dowladeed ah oo ay ku qanacsan yihii. Haddii dowladda Xamar laga jecel yahay waxay leedahay sawir shacbiyadeed, balse haddii dadka caasimadda nacaan hoggaanka dowladda dhexe waa cadeynta shacbiyad la’aan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qasban yahay inuu helo hoggaan hagaajin kara xiriirka dowladdiisa iyo shacabka Muqdisho degan oo badbaadin kara burburka sumcadeed ee kusocda dowladdiisa.

3. Burburka dhaqaalaha

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dhaqaale xumo baahsan, waxaa istaagay iibkii dhulalka, waxaa yaraaday waxyaabaha la dhoofiyo iyo kuwa lasoo dajiyo, maciishada ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana magaalada ku yaraatay lacagtii wareegi jirtay.

Dhaqaale xumo waa hal abuur xumo. Dadka barakaca ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyaguna sidii hore gurmad u helin. Majiro duq magaalo oo arrimahan saameyn kara maanta, maamulkuna wax fikrad ah kuma darsan sida wax looga qaban karo dhaqaale xumada ka taagan magaalada Muqdisho.

Dhaqaale xumada waxay dhashaa amni xumo, si taas looga badbaado wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u baahan yahay inuu helo duq magaalo oo keeni kara aragti dhaqaale oo lagu badbaadin karo burburka shaqaale ee ay wajaheyso caasimadda.

4. Maqaamka caasimadda iyo metalaada siyaasadda

Labada sano ee soo aadan dalka wuxuu galaya marxalad doorasho. Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) mudadii uu xilkan hayay waa jiheyn waayay rabitaanka siyaasadeed ee dadka caasimadda.

Muqdisho intaan kadib siima ahaan karto maqaam la’aan iyo metalaad la’aan. Waxaana dowladda dhexe u haboon inay keenaan hoggaan qaadi kara aragtida dadka caasimadda, Soomaali weyn iyo labada Aqal ee baarlamaankana uga soo dhicin kara xaqooda.

The post MUQDISHO oo u baahan isbeddel maamul oo deg deg ah afar arrin dartood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this