Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraar ay soo diyaariyeen Maraykanka iyo Japan

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20240425_114842_038.jpg?resize=1000%

Ruushka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan (veto) qaraar ay soo diyaariyeen Mareykanka iyo Japan oo la hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, fadhi ay xilli dambe oo shalay ah yeesheen, kaaso waddamada adduunka ka mamnuucayay inaysan sameyn ama aysan u dirin hawada sare madaxyada Nukliyeerka iyo hubka halista ah oo burbur ballaaran ka gaysan kara hawada sare.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka 13 ka mid ah ayaa oggalaatay, waxaa ka aamusay Shiinaha, halka Ruushka uu ahaa dalka joojiyay ee diidday qaraarkan.

Dhowaan Mareykanka ayaa ku eedeyay Ruushka inuu hawada sare u dirayo madaxyada Nukliyeerka, si uu weerarro uga fulin karo hawada sare, haddii ay dhacdo in la soo weerarro, balse Ruushka ayaa markii dambe arrintaa beeniyay.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraar ay soo diyaariyeen Maraykanka iyo Japan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this