Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1713895378148.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya, sida ay sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”.

Madaxweyne Xasan Sheelh oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this