Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay cida dishay Cabdinaasir Muuse Dahable

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Somaliland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan.

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cida dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable.

“Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhayna in danbiilayaasha dadka laaya lasii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, Waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay.

“Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan” ayuu yidhi Wasiirku.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this