Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Shirshabeelle oo Booqday Magaalada Balcad, Isagoo Xarigga Ka Jaray Garoonka Ciyaaraha Degmada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin la socata ayaa markii ay magaalada gaareen xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo oo si casri loo dhisay iyo mashaariic kale oo laga hirgaliyey gudaha degmadaas.

Socdaalka madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku tagay degmada Balcad waxaa ku wehlinayay Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle, xubno katirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this