Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_9698.jpeg?fit=650%2C960&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamida Ehellada iyo Waalidiinta dhalinyaradii reer Somaliland ee loo xiray dilkii Injineer Cabdinaasir Dahable ayaa maanta la hadlay warbaahinta iyagoo qabao cabasho weyn.

Cabdinaasir oo kasoo jeeday Gobolka Awdal ayaa lagu dilay Muqdisho, gaar ahaan qolkiisa, guri uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhalinyaro u badan reer waqooyi ayaa loo qabtay dilka Cabdinaasir, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

“Waxaan maanta joognaa Awdal, waxaa Muqdisho nooga xiran shan wiil, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa inay soo deyso hadii aysan wax dambi ah laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii hadlay.

Waxaa soo hadlay maanta ehellada dadka loo qabtay dilkii Cabdinaasir, iyagoo sheegay in ciqaab daran ay ku wajahayaan xarunta dembi baarista booliska ee CID-da Muqdisho.

Waxay sheegeen in loo diiday in la booqdo oo xitaa ay arkaan caruurtoodii, iyadoo lasoo dhaafay bil Ramadaan oo qiimaheeda la ogyahay iyo maalmihii ka dambeeyey ee ciida.

“In wiilashaas dadkoodii iyo reerahoodii loo diido oo booqashadii ehelka meesha laga saaro, waa wax Soomaalinimada ka baxsan, sharciga lama horgeyn, waxaana naloo sheegayaa in si joogto ah loo jirdilo,” ayuu yiri Mid kamid ah odayaashii hadlay ee reer Awdal.

Sidoo kale odayaasha u hadlay ehellada waxay sheegeen inay ka war heleen in dhalinyarada loo soo xiray kiiskaas ay la kulmaan tacadiyo culus iyo jirdil joogto ah, iyagoo codsi h diray dowladda federaalka.

Hoos ka daawo cabashada odayaasha

The post Daawo: Xog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this