Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xogta Ceelkii la cabi jiray ee Shabaab ka dhigteen xabaalaha meydadkooda

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_9675.jpeg?fit=1284%2C723&ssl=1

Xarardheere (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo bandhigay xogta ceel ay xabaalo ka dhigteen kooxda Al-Shabaab, kadib markii dhawaan lagu laayey dagaal ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dhowr ceel biyood oo dadka reer Miyiga ah iyo xoolahooda ay cabi jireen oo lagu magacaabo Ceel-deegaan ayuu ka dhacay dagaalkaas, waxaana lagu laayey oo jabka ugu culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Ceel-deegaan maalinkaas waxaa ka dhacay dagaal la isku riiqmay oo ciidamada Gorgor ee xoogga dalka iyo dadka shacabka ah ee hubka qaatay ay ku gacan sareeyeen, balse gabalka ayaa dhacay, iyadoo xasuuuq ba’an uu ku socdo kooxda.

Al-Shabaab waxay dejiyeen kaarto cusub oo jabkooda ay ku qari karaan, waxayna ceelashii la cabi jiray ku gureen meydkooda, qiyaastii 300 oo dagaalame ayaa la sheegay in maalinkaas looga dilay dagaalka.

Dagaalkaas wuxuu socday ku dhawaad labo maalmood, balse maalinkii 3-aad waxaa laga war-helay in Shabaab wixii ka haray ay isaga carareen goobta dagaalka, iyagoo habeenimo meydadkoodii ku guray ceelashii biyaha laga cabi jiray ee Ceel-deegaan oo hoos taga degmada Xarardheere.

Khawaarijtii lagu jebiyey dagaalkaas wuxuu hadafkoodu ahaa inay qabsadaan Xarardheere, balse waxaa ka raacay halaag aysan filaneyn, waxaana halkaas looga dilay horjoogayaal uu ku jiray ninkii ugu sareeyey howlgalka ay qorsheeyeen inay ku qabsadaan Xarardheere iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Urka meydadkii Shabaab-ka ayaa looga kala cararay deegaanka iyo ceelashii biyaha, waxayna dadkii iyo xoolihii halkaas ka cabi jiray hadda u arooraan degmada Xarardheere, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaalkaas waxay ciidamada xoogga dalka ku muteysteen dalacsiin iyo in madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu tago furimaha dagaalka, halka ciidanka xaq u dirirka deegaanka uu siiyey lacag ay qoysaskooda ku ciidsiiyaan, maadaama xiligaas lagu jiray maalmihii ugu dambeeyey bishii Ramadaan.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xogta Ceelkii la cabi jiray ee Shabaab ka dhigteen xabaalaha meydadkooda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this