Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekada Ifraax: Gabar caan ah oo shaacisay inay qatar ugu jirto inay is disho

Recommended Posts

Deeq A.   
ifraax-maxamed-xasaanada-xasaanadda.jpg?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan baarnay oo xog nagu filan aan ka helnay sheekada Ifraax Maxamed oo ah gabar aad u isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan Facebook iyo TikTok, taas oo saacadihii lasoo dhaafay soo qoreysay dhigaalo murugo leh oo xitaa ay ku sheegtay inay qarka u saran tahay inay is disho.

Qoraalada Ifraax ay barteeda Facebook dadka kula wadaagtay waxaa ka mid ah “Murug badan ayaan daremayaa naftayda inaan halis galin rabo oo aduunkaan aan ka tagi rabo ayaan dareemayaa, Cabdirashiid iigu duceeya inow ilaahey janada geeyo oo dhib dhan aan la tusin.”

Hadaba Cabdirashiid waa kuma?

Caasimada Online waxay ogaatay in Cabdirashiid uu Khamiistii ku shahiiday dagaal culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Cabdirashiid wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee Danab, wuxuu reerkeeda kasoo doontay Ifraax oo sanado badan ay lahaayeen xiriir jaceyl, ugu dambeyntiina waxay go’aansadeen inay aqal galaan.

Ifraax waxay sheegtay in wax kasta ay soo dhameeyeen, labada reer heshiiyeen, aqal dhigteen oo xitaa Hotelkii lagu dhigi lahaa arooska ay diyaarsadeen, balse Cabdirashiid waxaa u soo baxay howlgal uu naftiisa ku waayey oo guurkii lagu balan-sanaa waxaa ka soo hormartay geeridiisa.

Gabadhaan ayaa sheegtay inay dareemeyso murugo weyn, maadaama ay weysay wiilkii ay jecleyd waayo badan, isla markaana ay wada qorsheysteen inay nolol wadaagaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Ifraax kula talinaya inay samirto oo qadarta rabbi ay ku qanacdo.

Soomaaliya waxaa ka socda dagaal jihaad ah oo maalin kasta ay ku shahiidayaan wiilal Soomaaliyeed oo askar, saraakiil iyo kuwo xaq u dirir ah oo hubkooda qaatay isugu jira, nin kasta oo maanta geeriyooda wuxuu baneynayaa garabka waalidkiis, walaalkiisa iyo saaxiibo uu qaali ku ahaa, waxaana xaaladda wadankeena.

Inta badan waa dhacdaa qisada hadda heysata Ifraax, mar kasta oo dagaalo ay dhacaan askar badana ay dhimato, maadaama askarta Soomaaliya ay dhamaantood yihiin dhalinyaro, taas oo badineysa lambarka haasaawaha ku khasaaraya dhimashada ka dhalaneysa dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

The post Sheekada Ifraax: Gabar caan ah oo shaacisay inay qatar ugu jirto inay is disho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this