Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo billowday la xisaabtanka hay’adaha amniga – Maxaa dhacay maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   
437939174_841154834706069_60747368709776

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay shir gaar ah oo looga hadlayay ammaanka guud ee caasimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, si looga hortegao falalka amnia darrida ah iyo weerarada Shabaab.

Shirkan waxaa isugu yimid dhammaan saraakiisha hay’adaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay daadajinta amniga caasimada dalka.

Saraakiisha goobjooga ahaa shirkan waxaa kamid ah Taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha ciidanka Booliska, Sulub Axmed Firin, Taliyeyaaasha qaybaha Boliiska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyeyaasha Qeybaha iyo kuwa saldhigayada Gobolka Banaadir.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay daadajinta amniga caasimada iyo sidoo kale nawaaxigeeda, si looga hortego khatar kasta oo amni.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday shirka isla xisaabtanka amniga caasimada, si xal loogu helo dhibaato kasta oo ka dhaca Muqdishol.

“Shir ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha NISA, Taliyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad sugida iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobolka ayaa ka qabsoomay caasimada waxaana looga hadlay daadajinta amniga caasimada iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa isla xisaabtan dhab ah oo laxiriira amniga Guud ee Caasimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu Khamiistii guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo isna looga hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay amniga, taas oo suuragelisay in xasilooni wayn laga dareemayo caasimada dalka ee Muqdisho.

436544653_841154878039398_83929560430458 437934876_841155428039343_63191276486953 437939174_841154834706069_60747368709776 437973407_841155581372661_14846665623959 438696583_841155714705981_69990327614012 439763000_841155418039344_58125818109552 BOOLIS-IYO-NISA.jpg?resize=696%2C464&ssl Mahdi.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Dowladda oo billowday la xisaabtanka hay’adaha amniga – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this