Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Isku Gubay Afaafka Hore Ee Maxkamadda Qaadaysa Dacwada DonaldTrump

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ayaa isku gubay bannaanka hore ee maxkamadda Manhattan ee magaalada New York oo ay ka socoto dacwadda madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Dhacdadan ayaa dhacday galabnimadii Jimcaha, iyadoo maalintii afraad ee dacwadda Trump ay socoto.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ninka oo holcaya bannaanka hore ee maxkamadda, isaga oo ku dhex jira beer lagu nasto oo waddada ku taalla, ninka isku gubay ayaa xaaladiisu aad u liidataa, sida ay booliisku sheegeen.

Madaxa danbi baadhista ee NYPD Joseph Kenny ayaa sheegay in booliisku ayna go’aamin in dhacdadani ay la xidhiidho maxkamadeynta Trump.

Waxa uu sheegay in ninkan uu dhacdadan ku baahiyay baraha bulshada, islamarkaana internet-ka uu ku jiro ay qeyb ka noqon doonto baadhitaanka socda, Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay xeyndaabka goobta ay maxkamadaynta Trump ka socoto.

Trump waxa uu waajahayaa eedeymo culus oo la xihiidha lacag uu bixiyay taasoo uu siiyay jilaaga aflaanta Stormy Daniels.

Dacwaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee lagu maxkamadeeyo madaxweynihii hore ee Mareykanka taariikhda dalka.

Maxkamada qaadaysa dacwada Trump ayaa soo gabagabeysay xulashada xeerbeegtidaoo ka kooban 12 qof iyo lix kale oo keyd ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this