Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in uu baaqday Shirkii Golaha Wada-Tashiga Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh-iyo-maamul-goboleedyada.jpg

Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay “sababo farsamo” awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka, iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.

Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

FB_IMG_1713592670213.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in uu baaqday Shirkii Golaha Wada-Tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this