Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay colaad ka taagan degaannada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
wd-860x477-1.png?resize=860%2C477&ssl=1

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyo ka socda degaanno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan colaad beeleedyada ka taagan degmooyinka Diinsoor, Burhakaba, Baraawe iyo Qoryooley.

Wasiiru dowlaha waxa uu si gaar ah u codsaday in la badaadiyo dhiigga shacabka walaalaha ah ee ku wada dhaqan degaanadaas wuxuuna maamulka K/Galbeed ka dalbday in uu dhibaatadaasi wax ka qabto.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow waxa uu sheegay in dowladda Federaalku dhinacooda ay diyaar u yihiin sidii gacan looga geysan lahaa qaboojinta dagaaladaas.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay barakac,dhimasho iyo burbur hantiyeed.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay colaad ka taagan degaannada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this