Sign in to follow this  
Cige

Sharifka deeqdii Carabta shurudbuu ku diidey tii reer galbedkana shurudbu ku doontay

Recommended Posts

Cige   

KN: Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sh. Axmed waxa uu diidey deeqdii ay Jaamacada Carabta ugu yaboohdey, taasi badalkeeda wuxuu deeq u doontey dowladaha reer galbeedka, labbaduba shuruudbaa ku xirneyd, midna wuu diidey, midna wuu doontey, sabab?.

 

 

Markii la qabtay kullankii Jaamacada Carabta ee Dooxa dhawaan, jaamacada carabta waxay ku yaboohdey lacag malaayiin ah, laakiin Shariif Sh. Axmed waa uu diidey deeqdaasi, sababtuna waxay ahayd waxaa ku xirnaa shuruud, isagana diyaar uma uusan ahayn deeq shuruud la socoto, laga yaabee in taasi uu qiil ku lahaa

 

 

Maalmo ka hor isla Shariifka waxa uu joogey shir lagu qabtey Brussels halkaasi oo loogu deeqey aduun dhan $350 milyan oo doolar, isaguna waa uu gudoomey maadaamaa kolkii horaba uu meesha u tagay in lacagtaasi loogu yabooho, laakiin deeqdani maxay tahay shuruuda la socota? Dabcan tuhun mooyee ma ahan mid si dhab ah loo ogaan karro sida tii Jaamacada Carabta oo kale, sababtuna waxaa lagu sheegi karaa “sir la’isuma sheego”, laakiin jiritaanka shuruuda ma ahan mid inaba daah saaranyahay.

 

 

Maxay ahayd shuruuda carabta?, sida uu sheegey xog-hayaha guud ee jaamacada carabta, Camar Muuse, deeq kasta oo ay tahay in la siiyo DKMG waa in shuruud looga dhigaa in ay marka hore la heshiiso kooxaha kasoo horjeeda.

 

 

Haddaba haddii Shariif Sh. Axmed uu deeqdii Jaamacada carabta ku diidey shuruuda darteed, tii reer galbeedkana u doontey soona qaatay iyadoo shuruud la socota, waxaa la’si weeydiin karaa “ma wuxuu diidanaa asal ahaan in wax shuruud ah lagu xirro deeqda la siinayo, mise shuruudaha noocyo ka mid ah ayuu diidanyahay, sida tan Jaamacada carabta ay hor dhigtey oo kale?”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this