Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xirsi oo la Kulmay Urur Dhallinyaro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Xirsi oo la Kulmay Urur Dhallinyaro
IMG-20240416-WA0003.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa kulan la qaatay hogaanka ururka Dhallinyarada MIDEEYE oo ka mid ah ururrada ugu balaadhan deegaannada Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii ay u wadashaqayn lahaayeen labada dhinac ayaa ku soo dhamaaday is afgarad, iyadoo hogaanka ururka dhallinyarada MIDEEYE ay sheegeen inay ku qanceen mabaadi’ida xisbiga WADDANI.

Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey guddoomiyaha garabka dhallinyarada gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga WADDANI waxaana loo ballamay kulamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo wadashaqayn midho dhal ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this