Sign in to follow this  
Deeq A.

 Dab Xooggan oo Ka Kacay Dooxo Ku Taallo Gobolka Nugaan Ee Dowlad Goboleedka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dab xoogan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa, xiilligaan oo dalka qeybo ka mid ah uu ka bilowday curashada Roobka Go’ga waxaana dabasocda kuleel aad u xooggan oo la dareemi.

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow degmada Dangorayo, waxaana gurmad dheer kadib lagu guuleystay in la damiyo dabkaan oo ka kacay halkaasi, dhulkaan ayaa waxaa ka baxay daaq farabadan xilli roobaadkii Deyta oo la roobsaday.

Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Dangorayo Mudane Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa Sheegay in Maamulka degmada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay, xilli loo badinayo isbedelka Cimilada iyo kuleelka baahsan ee ka jira gobollada dalka xilligaan marka la eego.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this