Sign in to follow this  
Deeq A.

Abshir Gaarane oo geeriyooday iyo hadalkiisii saameynta lahaa ee ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
fanaanka-Abshir-gaarane-axmed.jpg?fit=72

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Axmed oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, galabta ayuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa galabta inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Sida ay Caasiamda Online u sheegeen dhalinyaradii ka badbaaday shilkaas Abshir Gaarane waxaa isbitaal ku yaalla Muqdisho la keenay isagoo dhaawac ah oo caadi u hadlaya.

Ugu dambeyntii Naqaska ayaa ku dhegay sidaas ayuuna ku geeriyooday, Abshir wuxuu mudooyinkii dambe ka howlgelayey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Abshir Gaarane uu gal ka furtay maxkamadaha dalka, si uu cadaalad ugu raadiyo tacadiyadii awooda dowladda loogu geystay.

The post Abshir Gaarane oo geeriyooday iyo hadalkiisii saameynta lahaa ee ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this