Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sii wada Wadahadallada Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada hadal la xiriira isu soo dhowaanshiyo arrimaha masiiriga ah la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa daba socday kulan labada mas’uul ku balameen oo ka dhacay Xaramka.

Qoraal uu bartiisa Facebook u uku baahiyay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayu uku sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha la xiriira khilaafka dowladda kala dhexeeya dowlad goboleedka Puntland oo meel adag gaaray.

Sheekh Shariif ayaa bayaanka ku xusay in kulanka uusan noqon mid natiijo laga gaaray, waxaana uu xusay inuu kusoo dhammaaday isfahamwaa, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay lama huraan u tahay in wax walba khilaaf ah wadahadal iyo is ogol ay ku dhamaadaan sida u uku sheegay bayaanka uu soo saaray.


“Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay, waxaan rumeysan nahay in mabaadi’da khilaafaadka siyaasadeed lagu xalin karo wadahadal iyo isqancin, marxaladaha adage e manta uu dalka marayana ay tahay lama huraan ilaalinta mabaadi’da wadajirka” ayuu qoraal ku yiri Sheekh Shariif.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this