Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Nairobi ku dhexmaray Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo isfaham-waa ku soo dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbnail.png?resize=660%2C364&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Shir magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad”.

“Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Ex. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in uu is faham-waa ku soo dhammaaday Shirkaasi dhexnaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana xal laga gaari waayay dhammaan Qodobadii looga hadlay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay”.

“Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.

FB_IMG_1712983593426.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Shirkii Nairobi ku dhexmaray Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo isfaham-waa ku soo dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this