Sign in to follow this  
Deeq A.

PUTIN oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray reer Galbeedka xilli ay qorsheynayaan in…

Recommended Posts

Deeq A.   
Putin-scaled.jpeg?fit=2560%2C1750&ssl=1

Moscow (Caasimada Online) – Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii.

Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO.

“Ma lihin ujeeddooyin gardarro ah oo ku wajahan dalalkan,” ayuu yiri Putin, sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyey Khamiista maanta ah.

“Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.”

Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd.

Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukraine, Putin waxa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedeli doonin xaaladda Ukraine.

“Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin.

“Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.”

Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka.

“Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin.

Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda.

Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah.

Belgium, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ka mid ah dalalka ballan-qaaday inay ku deeqi doonaan F-16. Sidoo kale dalal badan ayaa ballan-qaaday inay ka caawin doonaan Ukraine inay u tababaraan duuliyayaashooda.

The post PUTIN oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray reer Galbeedka xilli ay qorsheynayaan in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this