Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay in ay bilaabayaan mawjado weeraro ka dhan ah maraakiibta Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710479266705.jpg?resize=720%2C40

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xalay ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan weerarro ay ku beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil.

Waxa uu sheegay in ay maraakiibtaasi ku beegsanayaan marin biyoodka badweynta Hindiya ee Good Hope Road oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Waa masaafo aad u ballaaran oo weerarro xiraya marinada ugu muhiimsanaa caalamka labada bad ee badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Weerarradan oo la filayo Xuutiyiinta inay billaabaan dhammaadka Ramadaanka ayaa jahwareer gelinaya ganacsiga badaha iyo xata xulafada Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay in ay bilaabayaan mawjado weeraro ka dhan ah maraakiibta Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this