Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland's version of events

Recommended Posts

Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland Oo Beeniyey Sawirada Lagu Baahiyey Websiteyada Puntland Inay Yihiin Ciidan Laga Qabtay SL

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland, mudane Maxamed Cali Maydhax ayaa ku tilmaamay been iyo borobogaandho 23 askari oo magacyadooda iyo sawirro lagu baahiyey website-yada Puntland, kuwaas oo ay sheegeen in laga qabtay ciidamada Somaliland dagaalkii maanta.

 

Wasiirkuxigeenka oo caawa u warramay Telefishanka madaxa bannaan ee Somaliland Tv waxa uu sheegay in raggaasi ay ka dhigayaan inay ciidanka Somaliland ka qabteen ay yihiin maleeshiyo dhowaan laga qarameeyey beesha Yagoori, kuwaas oo uu sheegay in 25 ka mid ahi ay mid mid iyo laba laba ugu tallaabeen dhinaca Laascaanood.

 

“Ninka Maydkiisii iyo dhaawiciisii guran kari waayey ee dhaawac kale qabsanayaa muxuu ahaa? Marka waa borobogaandho ay wadaan oo ay Internetka geliyeen iyadoo aan dagaalkiiba dhammaanin,â€ayuu yidhi mudane Maydhax.

 

Waxana uu sheegay in ay tahay been cad oo aanay waxba ka jirin.

 

Wasiirka, mudane Maydhax, waxa uu sheegay in khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhey dagaalkaasi uu yahay Shan nin oo dhimasho ah iyo Shan dhaawac ah. Waxana uu qiray in uu geeryoodey taliyihii Ciidanka, oo la odhan jirey Xaaxi, kaas oo uu sheegay in uu u dhintay xabbad gacanta kaga dhacday weerarkii subaxnimadii hore, isla markaana uu dagaalamayey ilaa maanta isaga oo u haystey in dhaawiciisu fudud yahay.

 

Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka qaranku ay gacanta ku dhigeen 25 maxaabiis ah, kuwaas oo uu sheegay in 22 ka mid ah dhaawac iyo nolol lagu soo qabtay, halka saddex kale oo ay ku jiraan laba nin oo saraakiil ah oo mid yahay taliyihii aagga ciidanka Puntland iyagana meyd lagu soo qaaday.

 

Mudane Maydhax waxa uu sheegay in dagaalku aanu ahayn weerar gaadmo ah, balse ciidanku uu la socdey is-abaabul ay wadeen maleeshiyada Puntland, ciidanka Somalilandna uu heegan buuxa ku jirey. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku ay hore ugu sii socon doonaan dagaal, dibna aanay u soo noqonayn.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magacyada Maxaabiistii Ciidamada Somaliland Ku Soo Qabteen Dagaalkii Maanta

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Magacyada 13 maxaabiis ah oo ay ciidamada Somaliland kaga qabteen kuwa Puntland dagaalkii maanta ay iskaga horyimaaddeen jiidda Tuulada Adhicaddeeye ee gobolka Sool ayaa saxaafaddu heshay caawa, kadib markii maxaabiistaas la keenay magaalada Burco.

 

 

http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=04102906

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this