Sign in to follow this  
Saxardiid

new university opened in mogadishu

Recommended Posts

Mid ka mid ah Jaamacadaha waa weyn ee Suudaan oo farac ka furatay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, December 24, 2003

 

Xaflad aad loo soo habeeyay oo ka dhacday Hotel-ka Amiira ee magaalada Muqdisho ayaa maanta looga dhawaaqay furitaanka farac ay magaalada Muqdisho ku yeelaneyso Jaamacadda Al-Neelain oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waa weyn dalka Suudaan oo kuliyadaheedii ugu horeeyay laga hirgeliyay dalkaasi sanadkii 1955-kii.

 

Xafladdaas oo ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday Jaamacadaha ka jira magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Dalladda Jaamacadaha Ahliga ah iyo ururro bulsho oo kale ayuu guddoomiyaha Jaamacadda Al-Neelain xarunteeda Muqdisho Dr. C/qaadir Macallin Maxamed (Geeddi) uu ka sheegay in ay ku guuleysteen in ardayda Soomaaliyeed ay gurigooda ugu soo dhaweeyaan, looguna keenay waxbarashadii ay u aadi jireen wadamada dibadda gaar ahaan dalka Suudaan, isaga oo xusay in Kuliyadaha ay furayaan ay ka mid yihiin Kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha, Kuliyadda qaanuunka, Kuliyadda Culuumta iyo Tiknoolojiyada iyo Kuliyadda Aadaabta, isla markaana ay sabtida soo socota bilaabayaan diiwaangelinta ardaydii loo qaadan lahaa Jaamacaddaasi oo xarunteedana ka soo horjeedo isla Hotel-ka ay xafladdu ka dhacday ee Amiira.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaas guddoomiyaha Jaamacadaha Ahliga ah ee Soomaaliyeed Prof. Faarax Axmed Cumar (Qare) oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Jaamacaddan maanta ka dhalatay magaalada Muqdisho, “waxaa la yiri dukaanley isma jecla, laakin annagu waanu ka gedisannahay oo waanu soo dhaweyneynaa cid kasta oo nala bar bar istaageysa Jihaadka dhinaca waxbarashada ah ee aan ku jirno” ayuu yiri Prof. Faarax Qare.

 

 

Sidoo kalena waxaa warbixin ka soo jeediyay halkaas mas’uuliyiinta dalladaha waxbarasho ee FPENS iyo SAVE, kuwaasoo sheegeen in ay iyaguna aad u soo dhaweynayaan in ardayda ka soo baxda dugsiyadooda ay helaan fursado Jaamacadeed oo weliba dalka gudahiisa ah, waxaana sidoo kale taariikhda Jaamacaddaas faah faahin ka bixiyay wakiil ka socda Jaamacadda Al-Neelain oo uu magacaasi ugu baxay in ay Jaamacaddaasi ku taalo halka ay isaga darsamaan labada Webi-Niil ee buluugga iyo caddaanka ah ee ka kala yimaada dalalka Itoobiya iyo Uganda, kaasi oo lagu magacaabo Daariq Axmed, iyadoo uu sidoo kalena xafladdaasi uu goob joog ka ahaa safiirka Suudaan ee arrimaha Soomaaliya Al-Sayid Xeydar.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

saladxiis@yahoo.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this