Sign in to follow this  
General Duke

Why is Prof Cadow of the courts fooling the public.

Recommended Posts

''Midowga Europe ma ogola ciidamo shisheeye in Somaliya la geeyo xiligan''Prof.Cadow

 

 

(Muqdisho)-Golaha Maxkamadaha Islaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Europe uu ku raacsan yahay ciidamo shisheeye aan haatan aan la keenin dalka Soomaaliya,kadib markii kulan shalay ay Muqdisho kula yeesheen xubno ka socday EU-da ay kaga wada hadleen arrimaha ciidamo keenista Somaliya.

 

Masuulka xiriirada Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islamaka Prof.Cadow oo ka hadlay arrimahaasi ayaa sheegay Midowga Europe uusan ku qanacsaneyn siyaasada dowladda Mareykanka ee ku wajahan dalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in ay u ballan qaadeen taageero dhinacyo badan leh.

 

Prof.Cadow waxaa uu xusay in kulanka ay la qaateen xubnaha ka socday Midowga Europe ay kasoo baxeen natoojiyoon wax ku ool ah,oo uuku tilmaamay mid rajo u ah shacbiga Somaliyeed ee dhibaatooyinka iyo dagaalada ay daashadeen mudada fara badan waa sida uu hadalka u yiriye.

 

Waxaa kale oo uu sheegay Cadow in kulankii ay la yeesheen Midowga Europe xubnihii ka socday in sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha wadahadalka Dowladda iyo Maxaakimta oo u muuqda mid sii daciifaya tan iyo wixi ka danbeeyay go'aankii Golaha uu ku qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this