Sign in to follow this  
Amistad

Amira back in Somalia

Recommended Posts

Amistad   

Can somebody give me a rough overall translation of this article? Please! I like to keep current with all things Amira.

 

http://somalitalk.com/2010/09/03/amiira/

 

Sawirada: Amiira oo dhex fadhidey goobtii lagu magacaabay Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com: Friday, September 3, 2010 // 14 Jawaabood

 

Sawirro ay qaaday SomaliTalk ayaa waxaa ka dhex muuqda Michele Lynn Ballarin oo dhex fadhida (13kii Feb 2009) goobtii lagu magacaabayey ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee magaalada Jabuuti. Xilligaas Amiira waxay ahayd lataliyihii ugu horeeyey ee Sheikh Shariif u magacaabay si rasmi ah ka hor intii aan la soo dhisin xukuumadda.

 

Sida ka muuqata sawirada, Michele (oo madaxda Soomaalidu u yaqaanaan Amiira) waxay dhex fadhidaa xildhibaano iyo marti kale oo fadhidey goobtii uu Sheikh Shariif ku magacaabayey ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaa dadka goobtaas fadhiyey ka mid ahaa Gabre oo ah taliyihii ciidamadii Itoobiya ee xasuuqa ba’an ka geystey magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009.

 

Sida caadiga ah taliyaha madaxweynuhu waa xubinta ugu muhiimsan ee uu kala tashado arrimaha u baahan in laga qaato go’aan culus ama go’aan saamayn ku yeelanaya mujtamaca uu madaxweynaha u yahay.

 

Sawirada oo SomaliTalk.com ay qaaday maalintii Sheikh Shariif magacaabayey Cumar C/rashiid, waxay muujinayaan in Amiira oo markaas ahayd lataliyaha madaxweynaha ay si weyn uga dhex muuqatey madasha uu madaxweynuhu ku magacaabayey ra’iisul wasaaraha.

 

Sawirada oo kamid ahaa kaydka SomaliTalk.com ka diiwaan gelisey magacaabistii Ra’iisul wasaaraha DFKMG, hoos ka daawo:

 

Sawirada waxaa qaaday SomaliTalk maalintii magacaabidda ra’iisul wasaaraha DFKMG, Amiira waa dhex fadhidey madasha.

 

Sheikh Shariif oo Wareegtadiisii ugu horeysey ku magacaabay Haweeney Maraykan ah in ay lataliye u noqoto..

 

Madaxweynaha DFKMG oo markaas maalmo yar hayey xilka madaxweynanimo ayaa Jabuuti waxaa kula kulantay haweeney Maraykan ah waxayna markiiba ku qancisay in uu u magacaabo latiyahiisa, wuuna ka yeelay…

 

Sheikh Shariif Sheikh Axmed markii madaxweynaha loo maalmo kooban kaddib waxa uu lataliyahiisa ugu horeeyey u magacaabay Michele Lynn Ballarin oo ah haweenay Maraykan ah si ay u noqoto La-taliyaha Xafiiska Madaxdweynaha ee Dib u Dhiska, Gargaarka Bani’aadminnmimo, Borotoolka iyo Gaarsiinta Dibedda, sidaas waxaa baahiyey barnaamij dheer oo ay ka diyaarisay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) oo la kulantay, waraysina la yeelatay Michele Lynn Golden-Ballarin oo madaxda Soomaaliyeed ay u yaqaanaan “Amiira”.

 

Magcaabistaas oo ahayd bilowgii Febraayo 2009 waxay ahayd magcaabistii ugu horeysey ee uu sameeyey Sheikh Shariif, waxayna xilligaas ahayd ka hor intii aan la magcaabin Ra’iisul Wasaaraha DFKMG. Waxaa arrintaas xitaa u qaadan waaweyey Cali Xasan Guuleed (Cali Dhoof) oo kamid ah Qurbajooga Soomaaliyeed oo la socdey Michele markii ay Jabuuti kula kulantay Sheikh Shariif, xilligaas oo 7 cisho ee keliya uu ahaa madaxweyne. Waxaa VOA magcaabisteeda u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xaqiijiyey magcaabistaas. Prof Axmed Muumin Warfaa oo xilli dambe loo magacaabay lataliyaha madaxweynaha wax war ah kama uusan ahayn ama looma sheegin in haweeneydaas ay lataliye ahayd, sida uu u sheegay idaacadda.

 

 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in sidoo kale uu Sheikh Shariif uu haweenaydaas “u saxiixay waraaqo kale oo ay ka mid tahay mid uu kaga codsanayo inay ka caawiso xiriir dhexmara madax ka tirsan dalka Faransiiska oo uu ku jiro Madaxweyne Nikola Zarkozy.”

 

Warbaahinta caalamka ayaa qoraallo badan ka sameeyey haweeneydaas iyo lugt aay ku leedahay arrimaha Soomaaliya laga soo bilaabo 2006. Waxa kale oo ay ku lug lahayd la xaajoodka Burcad Badeeda ee haysatey markabkii sidey hubka ay kamid ahayeen Taangiyada iyo markabkii shidaalka sidey ee Sacuudiga.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ma ahayn mas’uulkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee ay la kulanto Michelle Ballarin. Waxay horey ula soo kulantay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf Axmed, Ra’iisul Wasaarae Nuur Xasan Xuseen, Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaal Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirro iyo madax kale. Waxay kala hadashahay qorshe ay ugu magacdartay “Organic Solutions for Somalia, ama Xal Dabiici ah oo loo helo Soomaaliya”, ayey sheegtay warbixintu.

 

Barnaamijkan gaarka ah ee VOA waxay ku ku eegayaan danaha ay haweenaydaasi ka leedahay dawladda Soomaaliya, Somaliland, Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo budhcad badeedda.

 

Warbixinta ka Dhegeyso HALKAN (mp3) ama Halkan (VOA)

 

Qoraalladii hore ee laga qoray Michele Ballarin hoos ka akhri:

 

2006: Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo doonayey in ay iska kaashadaan, Jariirada The Observer oo arrintaasi kashiftay (Tarjumadii SomaliTalk.com ee 2006).,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this