Sign in to follow this  
Sky

Koowda Luulyo | And The Never Ending Wrestle Between Sharif and YeeyGeedi

Recommended Posts

Sky   

Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed oo looga Diyaar Garoobayo soo dhaweyntiisa Magaalada Boosaaso

c/fatax jaamac | SomaliTalk | Bosaso |

Email: somalitalkpl@yahoo.com | June 30, 2005

Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col: CAbdulaahi Yuusuf ayaa Ilo lagu kalsoonaan karo ay noo sheegeen in uu ka soo dagi doono Magaalada Boosaaso ayadoo aad looga Dareemayo u diyaar garowga soo dhawayntiisa iyo Ciidamo laga ururinayo Xarumahoda si ay nabadgalyada u sugaan.

 

Warar aan ka helnay ayaa sheegaya in Madaxweynahu uu ka qaybgali doono Munaasabada 1 Luuliyo oo looga diyaar garoobayo Magaalada Boosaaso.

 

Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) iyo Wasiiro ka tirsan DGPL iyo DFKG Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay kasoo amba baxeen Magaalada Caasumada DGPL Garoowe si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha ay ahayd in uu ka dago Magaalada Jowhar oo aad looga diyaar garoobayay lakiin ay jiraan xaalado ka badalay in uu Madaxweynuhu ka dago Jowhar tasoo la sheegay in ay jiraan Ciidamo ku soo dhawaaday Degaanka Jowhar, Cimadaa ayaa ah kuwo Taageersan Muuse Suudi, Qanyare iyo Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ee isku badalay Mudanayaasha ee ku sugan Muqdisho oo ah kuwa aadka u doonaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Madaxweynaha Col: Cabdulahi Yuusuf si ay u fashiliyan Dowlada Cusub.

 

Ilo ku dhowdhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in uu Boosaaso uga sii gudbi doono Magaalooyin kale oo Soomaaliya ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

War deg-deg ah: Madaxweynaha DFKMG oo berri ku soo fool leh magaalada Boosaaso

 

Boosaaso - 30.June.2005 Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed Yuusuf Axmed uu maalinta berrito ah ka soo degi doonto garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

 

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo amaba bixi doona magaalada Sanca ee caasimadda waddanka Yemen, waxayna ka soo degi doonaan magaalada Boosaaso, abbaara 12:00 duhurnimo oo uu kaga qayb geli doono munaasabadda maalinta qaranimada Soomaaliya ee kowda Luulyo.

 

Magaalada Boosaaso ayaa caawa laga daremayaa qabanqaabo ay waddaan maamulku amaankana si aad ah ayaa loo xoojiyey.

 

Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse oo ku sugan magaalada Garoowe iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo baarlamanka ayaa lagu waddaa in ay gelinka dambe ee caawa ka soo amba baxaan magaalada Garoowe si ay uga qalaan soo dhoweynta madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Si aad u hesho faaf-faahin dheeraad ah oo la xiriirta wararka Kowda Luulyo iyo imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya haka dheeraan SBC Online.net

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

C/laahi Yusuf oo beri kasoo degi doona Bosaso

 

Bosaso:- Wararka naga soo gaaraya maamulka Puntland wuxuu sheegayaa in maalinta berito ah 1da July uu magaalada Bosaaso soo gaari doono Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ku hakado magaalada Bosaaso oo uu ka dhacayo dabaal dega maalinta Xoriyada 1da July, kadibna u gudbo dhanka Garowe.

 

Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse iyo xubno sar sare oo kamid ah dowlada Puntland iyo Federaalka ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Federaalka.

 

C/laahi Yusuf oo kasoo dhoofaya magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa horay loo filayey inuu yimaado magaalada Jawhar ee Shabeelada Dhexe oo uu munaasabada 1da July kala qeyb geli lahaa Madaxda kale ee dowlada Federaalka .

 

Macada sababta uu safarka Madaxweynaha isu bedalay hasayeeshee warar aanu ka helayno illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in safarka C/laahi Yusuf uu ku lug leeyahay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadan doono maamulka uu hogaamiyo Gen.Cadde Musse ee Puntland.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Madaxwayne Yusuf ku soo fool leh magaalada Bossaaso.

Posted to the Web Jul 01, 00:14

 

 

Yemen:-Warar lagu kalsoon yahay oo ka ag dhaw Madaxwayna JFK ee Soomaaliya Col. C/laahi Yusuf Axmed ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu maanta (waa berito'e Duhurnimadii uu dalka dib ugu soo laabanayo, islarmarkaana uu ka soo degayo Garoonka Bander Qaasim ee kuyaala Xarrunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

 

Warar ay saxaafadu hore u tabisay oo sheegayey in Madawaynuhu imaan doono Magaalada Jowhar ayaa noqday kuwa aan sal yeelan.Safarka Madaxwaynuhu uu ku imaanayo magaalada Boosaaso ayey waxay muujinaya kalsoonidiisa uu ku qabo Magaalada Jowhar, waxaana wararku intaasi ku darayaa in Madaxwaynuhu uga baaqsaday tegitaanka magaalada Jowhar arrimo la xiriira go'aano sida la sheegayo ay gaareen isaga iyo Wasiirkiisa 1aad ee DFKS Prof.Cali Maxamed Geedi oo isagu maalinta Beriya ka jeedin doona Magaalada Jowhar khudbadiisa kaga aadan dabaal dega 1 luuliyo halkaas oo ay kusugan yihiin Madax sare oo katirsan Dowlada FKS iyo Diblimaasiyiin shisheeye oo lagu marti qaaday xuska 1 luuliyo.

 

Mohamed A.Ali

Puntlandpost, Frankfurt, Germany

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Waxaa magaalada Jowhar lagu qabtey xaflad loogu dabaaladagaayo 45 guuradii maalinta qaranimada soo maaliyeed

 

1_luuliyo_Jowhar.jpg

1_Luuliyo_Jowhar1.jpg

1_Luuliyo_Jowhar2.jpg

1_Luuliyo_Jowhar3.jpg

1_Luuliyo_Jowhar4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Hargeysa Kula Kulmay Saraakiil Somaliland Ah

- Thursday, June 30, 2005 at 21:23

 

Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka KMG ah Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kahor intii aysan soo gaarin Muqdisho garoonka diyaaradaha Hargeysa kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Somaliland.

 

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah xubnihii la socday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha iyo saraakiisha ay kulan gaar ah ku yeesheen qolka gaar ah ee martida loogu talagalay oo ku yaal gudaha garoonka , inkastoo mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ka gaabsaday ka hadalka waxyaabihii looga hadlay kulanka.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo kasoo dhoofay dalka Jabuuti halkaasoo ugu qeybgalayey munaasabadda 27-ka Juun oo ah maalinta Jabuuti Xornimada ka qaateen Faransiiska.

 

Maamulka la baxay Somaliland ayaa isagu doonaya inuu ka go'o Soomaaliya inteeda kale iyadoo siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi qaarkood ay aad uga shaqeeyaan daganaasho la'aanta iyo maamul la'aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya iyagoo markaas aaminsan in aqoonsi ay ka helaan beesha caalamku uu soo dagdagayo haddii xal loo waayo mushkilada Koonfurta Soomaaliya, iyagoo u arka in caalamku isaga daali daano Koonfurta Soomaaliya xal u helkeeda ka dibna iyaga loo arki doono inay xaq u leeyihiin in dawladladnimo loo aqoonsado oo ayan u xayirnaan xal u helka Koonfurta.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sky:

Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Hargeysa Kula Kulmay Saraakiil Somaliland Ah

- Thursday, June 30, 2005 at 21:23

 

Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka KMG ah Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kahor intii aysan soo gaarin Muqdisho garoonka diyaaradaha Hargeysa kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Somaliland.

 

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah xubnihii la socday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in
Guddoomiyaha iyo saraakiisha ay kulan gaar ah ku yeesheen qolka gaar ah ee martida loogu talagalay oo ku yaal gudaha garoonka
, inkastoo mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ka gaabsaday ka hadalka waxyaabihii looga hadlay kulanka.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo kasoo dhoofay dalka Jabuuti halkaasoo ugu qeybgalayey munaasabadda 27-ka Juun oo ah maalinta Jabuuti Xornimada ka qaateen Faransiiska.

 

Maamulka la baxay Somaliland ayaa isagu doonaya inuu ka go'o Soomaaliya inteeda kale iyadoo siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi qaarkood ay aad uga shaqeeyaan daganaasho la'aanta iyo maamul la'aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya iyagoo markaas aaminsan in aqoonsi ay ka helaan beesha caalamku uu soo dagdagayo haddii xal loo waayo mushkilada Koonfurta Soomaaliya, iyagoo u arka in caalamku isaga daali daano Koonfurta Soomaaliya xal u helkeeda ka dibna iyaga loo arki doono inay xaq u leeyihiin in dawladladnimo loo aqoonsado oo ayan u xayirnaan xal u helka Koonfurta.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Allbeenland.com :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this