Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UN Delegation In Laascaanood

Recommended Posts

Wefdi Ka Socda Hay’adaha Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Tagay Laascaanood

 

 

 

Laascaanood (Qaran)- Madaxa Xafiiska hay’adda [uNDSS] ee Hargeysa u qaabilsan Amniga Mr Gabriel Mattie iyo Saddex xubnood Qaramada Midoobay xidhiidhka Biniaadanimo , ayaa manta socdaal ku tagay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , halkaasi oo ay ugu kuur galayeen xaalada Nabad gelyo ee deegaankaasi.

 

 

 

Wefdiga Madaxa hay’ada UNDSS waxa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay wefdiga Xukuumada ee ku sugan magaaladaasi iyo maamulka Gobolka Sool.

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Maxamed Axmed oo wefdigaasi kula kulmay xafiiskiisa ayaa hay’adaha qaramada Midoobay ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan horumarinta Mashaariicda gobolkaasi oo uu xusay in qoysaskii ku baro kacay dagaalkii ka dhacay Magaalada Laascaanood ay hada dib ugu soo noqonayaan guryahoodii.

 

 

 

“qoyskii ka baro kacay magaalada oo sodon tuulo u baro kacay , ay dib ugu soo noqonayaan guryahoodii , markii xaaladii Nabad gelyo ee Magaaladu ay xasishay’’ ayuu yidhi Badhasaabka Sool.

 

 

 

Gudoomiyuhu wuxuu hay’adaha Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay baahiyaha gobolkaasi ka jira ee dhinacyada adeegyada Bulshada.

 

 

 

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud Md Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Md Axmed xaashi Cabdi,ayaa wefdigaasi u sheegay in xukuumada Somaliland ay kaalintii ay ka qaadan karaysay gar gaarka gobolkaasi ay fulisay , iyadoo raashin gaadhsisay qoysaskii baro kacay , isla markaana ay dawooyin gaadhsiisay cisbitaalka Laascaanood.

 

 

 

Madaxa wefdigaasi Gabriel Mattie , ayaa socdaalkiisa ku micneeyay mid uu ugu kuur galayo Nabad gelyada gobolka Sool iyo sidii gar gaar bini;aadnimado loo gaadhsiin lahaa deegaanadaasi , waxana ay muddo dhawr saacadood ah oo ay joogeen halkaasi ay booqdeen cisbitaalka Laascaanood, iyagoo ku soo wareegay wadada Badhtamaha Magaaladaasi.

 

Sarkaalkaasi iyo wefdigiisu waxa kale oo ay kulan la yeesheen odayaasha , Waxgaradka iyo Aqoonyahanka gobolkaasi , kuwaasi oo ay iska warayseen xaalada Nabad gelyo , waxana ay maantaba ka soo ambo baxeen Magaalada laascaanood.

 

Waana Weftigii u horeeyay ee ka socda qaramada Midoobay,ee socdaal ku yimaada magaalada Laascaanood,tan iyo markii gobolka Sool laga sifeeyay maamulkii Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this