Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo kormeer sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa furay dhismaha dib-u-habaynta lagu sameeyay ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan qaybtii ay ka baxday Maxkamadda Racfaanku. Dhismahan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona habsami-u-socodka shaqada Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, maadaama ay kamid tahay Maxkamadaha ugu mashquulka badan isla markaana baahi weyn u qabtay helitaanka dhisme faalal ah.Geesta kale guddoomiyaha ayaa u kuur-galay geedi-socodka shaqada Maxkamadaha hoose, isla markaana kulan baraarujin iyo xog-ogaal-u-noqosho ah la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadda Degmada Hargeysa, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.

Kulanka waxa Guddoomiyaha ku wehelinayay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, ugu horayn Guddoomiyayaasha Maxkamadahaasi ayaa warbixin guddoomiyaha ka siiyay dedaalada iyo horumarada u hirgalay iyo sida ay uga go’an tahay sare u qaadida hufnaanta shaqada, waxaanay hoosta ka xariiqeen yoolasha ay tahay in ay ka dhabeeyaan iyo geedi-socodka togan ee ay talaabsadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo shirka soo xidhay ayaa ugu horayn Garsoorayaasha uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxaanu tibaaxay sida ay lama-huraanka u tahay in Garsooruhu diirada saaro in maalinwalba shaqo la taaban karo ay u qabsoonto, si ay u socodsiiyaan hawlaha horyaala iyaga oo marwalba ku salaynaya Shareecadeena Islaamka iyo xeerarka dalka u yaala. Guddoomiyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in ay awooda iskugu geeyaan sidii dacwaduhu muddo kooban ugu dhammaan lahaayeen iyadoo laga fogaanayo dhammaan asbaabaha suurtagalinaya dib-u-dhac ku yimaada. Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu tibaaxay ahmiyada ay leedahay in Garsooruhu direyska qaato isla markaana ka fogaado wax kasta oo haybadda Garsoorka hoos u dhigi kara.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa geesta kale garsoorayaasha ku booriyay in ay xil iska saaraan maamulka hawl-wadeennada la shaqeeya isla markaana ku hoggaamiyaan hanaan wanaagsan, si ay sare ugu kacdo wax-soo-saarka shaqo iyo ka sal gaadhida adeega garsoor ee ay bulshadu xaqa u leedahay, waxaanu u hoga-tusaaleeyay tabaha looga dhabeeyo qorshayaasha xafiis iyo yoolasha sannadlaha ah.

Ugu danbayn guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha kula dardaarmay in ay uga faa’iidaystaan wakhtigooda firaaqada ah sidii ay u sii amba-qaadi lahaayeen tamartooda curineed iyo hufnaanta shaqo, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay ku toosnaadaan akhlaaqiyaadka suuban ee Shareecadeena Islaamku innoo jidaysay isla markaana ka dheeraadaan arrimaha hoos u dhigi kara qiyamkooda wanaagsan.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this