Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ALLAH HA U NAXARIISTO

Recommended Posts

London (Jam)- Muj.Axmed Mire Maxamed oo ahaa saraakiishii millateri ee hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, isla markaana madax ka ahaa cutubyadii SNM ee gulufka lama ilaawaanka ah ku qaaday magaalada Burco 27kii bishii May 1988kii, haddana ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa maqaal uu khadka internetka u soo mariyey Jamhuuriya, waxa uu si qiiro leh ugaga hadlay taariikhdii iyo halyeynimadii Allaah ha u naxariistee Mujaahid Jaamac Cali Cilmi oo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga ee ururkii SNM xilligii ay socdeen hawlgalladii gudo-galka, isla markaana ahaayeen saaxiibbo aad isugu dheer, kaas oo Arbacadii toddobaadkan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

Mujaahid Axmed Mire waxa uu si faahfaahsan uga warramay shaqsiyaddii, waxyaabihii uu ku yaqaanay iyo sifooyinkii uu caanka ku ahaa Marxuum Jaamac Cali Cilmi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa tiir adag oo ka baxay Somaliland. Isagoo Muj. Mire dhinaca kalena la dardaarmay dawladda iyo shacbiga Somaliland, waxaannu bilowga qormadiisa si gaar ah ugu hibeeyey qoyska, carruurta, axsaabta iyo ehelada uu marxuumka, isagana wuxuu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Maqaalka Mujaahid Axmed Mire ku sifaynayo shaqsiyaddii Marxuum Jaamac Cali Cilmi oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

 

"Marka hore waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii, carruurtii, qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday mujaahidkii weynaa JAAMAC CALI CILMI oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa 18kii March 2008, Ilaahay naxariistiisa ha ugu deeqo jannat al-firdowsna hoy ha uga dhigo. Mar labaadka waxaan tacsi u dirayaa dhammaan mujaahidiintii SNM meel kasta oo ay joogaan iyo dadweynaha Somaaliland oo uu ka baxay mujaahid aad u qiimo badani. Ilaahayna samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana ha u denbi dhaafo jannadiisa ha ka waraabiyo. Aamiin….

Mujaahid Jaamac Cali wuxuu ahaa halyey ku sifoobay waddaninimo oo u banbaxay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ka xoreeyo dulmigii, xassuuqii iyo quudhsigii ku habsaday xilligii dawlad ku sheeggii Siyaad Barre dalka ka talinaysay. Wuxuu ahaa mujaahid hawlkar ah oo xilqaad leh oo aad u xishmeeya sharciga iyo kala dambaynta oo ah midda keliya ee urur ama qaran ku jiri karo. Wuxuu ahaa nin xirfad sare u leh aqoota ciidamada hibana Eebbe u siiyey hoggaaminta. Wuxuu ahaa geesi go’aan leh oo ku hal-adag xaqa. Wuxuu ahaa hoggamiye dadku u simanyahay oo caddaalada jecel.

 

Marxuumka alle ha u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi xishood badan, ahlu diin ah cibaado badan, quraan rug ah oo carrabkiisa laga nabad galo. Wuxuu ahaa nin farxad badan, samo talis ah oo dadka oo dhan wanaag la jecel. Waxa lugu xasuustaa maalintii ay SNM ugu adkayd ee ay taagneyd in hubka laga ururiyo kaalintii caddayd ee uu iska taagay ee ahayd geeri amma gobanimo.

 

Raggu maalinta adag ayuu kala baxaa maalintaa haddii isaga iyo mujaahidiinta kale aanay go’aankaa adag iyo naf-huriddaa u badheedhin maanta Soomaliland ma jirteen. Waxa uu madax ka ahaa dugsigii ugu wynaa ee lagu tababari jiray mujaahidiinta oo tirada iyo tayada cududeed ee ururka kor u qaaday taasi oo dhiirrigelin iyo kalsooniba u noqotay in ururku u babac-dhigo ciidammadii dawladda Siyaad Barre.

Wuxuu nasiib u yeeshay inuu kaalin lama illaawaan ah ka qaato dhismaha, dagaalgelinta, qorshaynta iyo hoggaaminta ciidamada SNM, isaga oo ahaa Xoghayihii Gashaandhigga ee ururka SNM xilligii gudogalka ee1988kii. Taariikhdu iyadaa is qorta, waxaanse u sheegayaa dadka Somaliland waar dadka taariikhda leh ilaashada oo daryeela si taariikhdiinu u jirto mid masuul ah iyo ummad weynba. Wanaagga isu qira, ruux walba mudnaantiisa siiya, xaqa iyo dhismaha waddankiina u midooba oo geeridu yay noqon tan keliya ee idin kulmisa.”

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this