Sign in to follow this  
Deeq A.

 Ciidanka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Lix Ruux oo Lagu Eedeeyay Dilka Sarkaal Ka Tirsanaa Duulista Rayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 6 ruux, kuwaas oo ku eedeysan kiiska geerida marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo Meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala degmada wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ciidanku ay sameeyeen baaritaanno ku aadan meyka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Boliiska ayaa u qornaa sida tan”Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan  Ceel Qalow” ayaa lagu yiri.

Booliiska ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in marxuumka dhintay ee meydkiisa la helay uu kamid ahaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed, waxaana uu marxuumka uu ka yimid gobollada Waqooyi ee Somaliland isaga oo muddo la shaqeynayay hey’adda sida hore loo shaaciyay.

“Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska.

Ciidanka ayaa sheegay in goobta dhibka uu ka dhacay loogu tagay cadeymo muujinaya in ay ka qeyb yihiin in ruuxa la dilay, waxaana ay sheegeen Booliiska in ay socdaan Baaritaanno lagu haayo 6 ruux oo gacanta lagu dhigay, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin faldambiyeedka lagu dilay.

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa” ayaa lagu yiri gabagabadii qoraalka.

Kiiska dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii dambe Muqdisho ay ka dhacayeen dilal bulshada dhexdeeda ah, ciidanka ayaa qabtay tiro dad ah oo ku eedeysan dilalka dad kale, lamana oga sababta ka dambeysay dilka loo geystay marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo shaqaale dowlo ahaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this