Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya Uga Qeybgalaya Shirka Midowga Afrika iyo Shirar Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax bannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Addis Ababa uga Qeybgalaya shir ay yeelayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda dalalka ku jira bulshada Bariga Afrika gaar u shiraya.

424606702_826902896147518_68870076032428 424638605_826902852814189_62225220279370 424880337_826902762814198_54076462829121 424880944_826902766147531_43839309509953 424898794_826902826147525_75529849762701 424949337_826902812814193_56195226608217

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this