Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka oo maanta xabsiga ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708085261511.jpg?resize=570%2C37

Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka, Alexey Navalny ayaa maanta la sheegay in uu ku dhintay xabsi uu ku xirnaa.

Lama bixin faahfaahin waxa dhaliyay geeridiisa, balse waxaa la sheegay in uu si dhaqso ah u miyir daboolmay oo naftu uga baxday.

Navalny ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Janaayo 2021 markaas oo uu ku soo laabtay Moscow.

In mudda ah ayuu ku jiray isbitaal ku yaalla Jarmalka, ka dib markii uu ka soo kabtay sun gashay jirkiisa oo waxyeelaysay neerfaha.

Waxa uu dhacdadaa ku eedeyay inuu ka dambeeya madaxweynaha Ruushka Mr. Puntin.

Kahor inta aan la xirin, wuxuu hoggaaminayay ololayaal ka dhan ah musuqmaasuqa wuxuuna abaabulay mudaaharaadyo looga soo horjeedo Putin.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka oo maanta xabsiga ku dhintay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this