Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Raggii dilay marxuum ganacsade Axmed Tahliil oo gacanta lagu soo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708082783619.jpg?resize=721%2C48

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu hayo rag loo haysto dilkii ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan.

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayay ku sheegeen in ay hayaan raggii shalay Gaalkacyo ku dilay marxuum Axmed Tahliil kadib markii laga soo qabtay nawaaxiga degmada Bursaalax.

Maamulka gobalka Mudug, laamaha amniga iyo beesha ay ka soo jeedaan ragga dilay ganacsadaha ayaa la sheegay in ay dadaal badan ku bixiyeen in gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Faysal Jifijabsade ayaa tan iyo xalay howshan u joogay degmada Bursaala.

Dhanka kale, waxa maanta oo Jimce ah lagu aasay Gaalkacyo meydka Axmed Tahliil oo shalay subax lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Raggii dilay marxuum ganacsade Axmed Tahliil oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this