Sign in to follow this  
Deeq A.

Bahda waxbarashada oo ku dhowaaqay go’aan culus, kadib dilkii MACALLINKA

Recommended Posts

Deeq A.   
iskuul1.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Bahda waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira dilkii maalin kahor magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo lagu dhex dilay iskuulka weyn ee Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bahda waxbarashada oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xarunta iskuulka ayaa marka hore cambaareeyay dilka arxan darrada ah ee loo gaysyay Macallinka.

Sidoo kale waxa ay farriin u direen dowladda federaalka, iyaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigto dambiilaha oo hadda baxsad ka ah cadaaladda.

“Bahda waxbarashada dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan laamaha amniga iyo kuwa garsoorka ka codsanayaan in ay soo qabtaan dambiilihii gaystay dambiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaas kadib bahda waxbarashada ayaa ku dhowaaqay inay waxbarashada joojiyeen muddo saddex cisho ah, taas oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Go’aankan ayaa saameynayaa dhammaan goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo jaamacadaha, ayada oo ujeedadu tahay in garab istaag loo muujiyay Macallinka la dilay.

“Ugu dambeyn bahda waxbarashada dalka oo ka dhiidhineysa dhibaatadii dhacday, garab istaagna u muujineysa Macallinka Soomaaliyeed waxaan go’aan ku gaarnay inaan joojin waxbarashada iskuullada iyo jaamacadaha muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah oo ah 17-ka bisha February, 2024” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar ayaa maalin cad lagu dhex dilay iskuulka, waxaana dilka uu yimid, kadib markii uu canaantay gabar kamid ah ardayda kadibna uu sidaas Macallinka kusoo weeraray walaalkeed oo mindi ku dilay marxuumka.

The post Bahda waxbarashada oo ku dhowaaqay go’aan culus, kadib dilkii MACALLINKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this