Sign in to follow this  
AYOUB

Marxuum Axmed Xasan Liibaan (Guhaad) 1925-2007

Recommended Posts

AYOUB   

u_2d_2007-8-16-13-13-31f_gohad%5B1%5D.jp

Marxuum Axmed Xassan Libaan (Guhaad) wuxuu ku geeriyooday Hargeysa.()

hadhwanaag 2007-08-16 (Hadhwanaagnews) Djibouti (HWN) - Halyay weyn oo siyaasadda Djibouti magac ku lehaa ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

Marxuum Axmed Xassan Liibaan (Guhaad) ayaa wuxuu in badan ka tirsanaa dawladda Dhijouti horena u soo qabtay jagooyin fara badan kana mid ahaa hormuuddadii ka qayb qaatay xornimada Jamhuuriyadda Djibouti.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismacil Cumar Geelle ayaa dalkiisa ka tacsiyadeeyey geerida marxuum Guhaad. Madaxweyne Geelle wuxuu tacsi sidoo kale gaadhsiiyay ehaldii iyo qoydkii marxuum Guhaad.

 

Marxuum Axmed Xassan Libaan oo loo yaqaanay Guhaad wuxuu ku dhashay sannadkii 1925 magaalada DJibouti.

 

Wuxuu ciidamada polis-ka ku biiray sannadkii 1950-kii.

 

1957 dawlad goboleedkii la smaeeyey ee uu madaxda u ahaa Maxamuud Xarbi wuxuu Guhad noqday Wasiirka wasaaradda Arrima Gudaha.

 

Guhaad wuxuu ka qayqaatay gobonimo u diririkii Djibouti. Iyadoo la xidhaty laguna xukumay bishii August 1958-kii shan sanaddood oo xadhig ah.

 

1966 waxa Guhad la xidhay sannad kale oo xadhig ah. Markaas oo ku beegnayd xilli uu Jeneral De Goulle soo booqanayay Djibouti.

 

1973-kii Guhad wuxuu noqday mudane barlamaan.

 

1976-kii wuxuu noqday wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Djibouti.

 

Markii xornimada la qaatay 1977-kii wuxuu marar kala duwan noqday Wasiirka Wasaaradaha, Hawlaha Guud iyo Caafimaadka iyo Beeraha.

 

1982 - 1997 kii wuxuu ahaa mudane barlamaanka qaranka, isagoo xubin joogta ah ka ahaa xisbiga RPP ee talada haya.

 

Haddaba Mudane Marxuum Guhaad oo taariikh dheer kaga tegay shacbiga reer Djbiouti ayaa waxa shalay lagu aasay Ceel Berdaale, oo ka tirsan degmada Gabilay, ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana aaskiisii ka soo qaybgalay madax ka tirsan labada dawladood ee Djibouti iyo Somailand, dadweyneha reer jibouti ee dalka ku sugan dalka iyo dad badan oo kale oo u dhashay Somaliland.

 

Alle ha u naxariistee Marxuum Guhaad waxa tacsi qaran dadka reer Djibouti iyo reerkiisiiba u diray Madaxweyne Geelle.

 

Sidoo kale Dawladda Somaliland ayaa tacsi gaadhsiisay eheladii marxuumka iyo dadweynaha reer Djibouti.

 

Waxa iyana tacsi na soo gaadhsiiyay dad badan oo reer Somaliland.

 

Bahda Hadhwanaagnews waxay tacsi u dirayaan dadweynaha walaaheen ee reer Djibouti, iyo qoyskii Marxuum Axmed Xassan Liibaan (Guhaad). Ilaahay jannadii haka waraabiyo dhammaanteenna samir iyo iimaanha innaga siiyo.

 

ammiin aamiin aamiin.

 

Hadhwanaagnews

Djibouti, Rep. of Djibouti

 

More togdheernews

 

http://djiboutination.com

 

Gohad.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this