Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland oo raadinaya xil wasiirnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1706443935771.jpg?resize=720%2C72

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa sida wararku sheegayaan bilaabay in uu xil wasiirnimo ka raadsado madaxweyne Deni.

Fu’aad Abshir Adeer ayaa lagu soo warramaya in uu kamid yahay shakhsiyaadka raadinaya in ay ku biiraan xukuumadda cusub ee laga sugayo madaxweyne Siciid Deni.

Fu’aad Adeer oo sidoo kale soo noqday xildhibaan Baarlamaan waxay isku degaan ka soo jeedan wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Dhabancad oo ay si weyn ugu kala fog yihiin dhinaca siyaasadda.

Wararka ayaa tilmaamaya in dadaalkiisa wasiir raadinta ay riixayaan qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka degaankiisa oo doonaya in meesha laga saaro Dhabancad.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland oo raadinaya xil wasiirnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this