Sign in to follow this  
NABAD x 3

EX PRESIDENT ON THE NEW PRESIDENT.

Recommended Posts

CARMOOYIN.COM. Posted on Sunday, February 01, 2009 - 07:12 AM

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub iyo caqabadaha horyaala.

 

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed oo iminka ku suga dalka Yemen ayaa wareysi caalami ah oo uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay aragtidiisa ku aadan hogaanka cusub ee loo doortay Soomaaliya iyo caqabadaha uu isleeyahay way ka hor imaan karaan.

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed oo iminka ku suga dalka Yemen ayaa wareysi caalami ah oo uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay aragtidiisa ku aadan hogaanka cusub ee loo doortay Soomaaliya iyo caqabadaha uu isleeyahay way ka hor imaan karaan.

 

Madaxweynihii hore Yuusuf Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ay horyaalaan caqabado ad adag oo ay dhib tahay sidii looga gudbo,hadii uusan Allah meel kale wax ka keenin.

 

“Ururo magaca diinta ku socda oo taageera argagixisada caalamiga ah ee AL qaacida ayaa dalka ku baahay,waxaana kuwaas oo ka kala yimid dalal farabadan ay caqabad muddo dheer kusoo ahaayeen nabada Soomaaliya hadana iyagaas ayaa looga baqaa in ay dowladda cusubi ka talaabsan weyso”ayuu teleefishinka AL Carabia u sheegay madaxweynihii hore ee jamhuuriyada Soomaaliya Yuusuf oo is casilay dhamaadkii sanadkii hore.

 

“Dowlado badan oo ay ka mid yihiin kuwa Reer yurub iyo Mareykanka ayaa garab taagan madaxweynaha cusub laakin argagixisada ayaa caqabad weyn ku noqon doonta”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Mudane Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this