Sign in to follow this  
General Duke

Battles Still raging around Kismayu......

Recommended Posts

Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo cadeeyey in dagaalo mar kale ka dhaceen Xaliimo Cadeey iyo Husingo.

 

September 19 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa cadeeyey in dagaalo mar kale ay ka dhaceen deegaanka Xaliimo Cadeey iyo Husingo, isla markaana uu Gen. “Moorgan.†Dib uggu soo laabtay meelihii hore looga saaray, oo ay sheegeen mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dooxadda Jubba inuu ka soo noqday dhanka dalka Kenya.

 

Cabdulaahi Salaad oo ka mid ah mas’uuliyiinta Dooxadda Jubba ayaa wareysi xalay la yeelatay iddaacadda HornAfrik, waxa uu ku cadeeyey in dagaalo hor leh ay ka soconayaan deegaanada Xaliimo Cadeey iyo Husingo, oo uu sheegay iney isaga hor yimaadeen ciidamada ka mid ah kuwa Gen. “Moorgan.†Iyo ciidamo kale oo taabacsan Isbahaysiga Dooxadda Jubba, wuxuuna sheegay in dagaaladani ay dhinacooda ku qabsadeen afar tikniko ah iyo gaari xamuul ah, oo ay wateen ciidamada Gen. “Moorgan.â€

 

Cabdulaahi Salaad waxa uu muujiyey in markii hore dagaaladu dhaceen aaney iyagu marnaba “Moorgan.â€k Ka harin ilaa iyo ay kaga hubsadeen xuduuda Kenya, balse waxa uu nasiib xumo ku tilmaamay in Gen. “Morgan.†uu dib ugu soo laabtay deegaano ka mid ah Jubbooyinka, arrintaasoo uu ku sheegay iney tahay mid ay gacno shisheeye ka danbeeyaan.

 

Cabdulaahi Salaad oo dhinaca kale ka jawaabayey su’aal la xiriirta halka uu joogo Col. Bare Hiiraale, ayaa waxa uu sheegay in korneylku wada hadalo iyo kulano la leeyahay qaar ka mid ah oddayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, isagoo tilmaamay inuu kala arrinsanayo sidii laga yeeli lahaa dhibaatooyin dagaal ee ka soo cusboonaaday meelo ka mid ah Jubbooyinka, isla markaana si wada jir ah ammaanka loogu sugi lahaa.

 

Dhanka kale, Cabdi Bare oo ka mid ah taageerayaasha Gen. “Morgan.†ka taakuleeya dhinaca dhaqaalaha oo ku sugan dalka Mareykanka lana soo xiriirey Idaacadda HornAfrik, ayaa sheegay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya iney jabeen ciidamadii Gen. “Morgan.â€.

 

Cabdi Barre ayaa sheegay in ciidamadii jeneraalku ay xeelad dagaal dib ugu gurteen, isagoo sheegay iney “Morgan.†wadahadleen oo uu ku sugan yahay deegaano ka mid ah Jubbooyinka, wuxuuna diiday iney jirto tikniko laga qabsaday Gen. “Morgan.†in xitaa uu galay xuduuda Kenya, isagoo dhinaca kalana ku dooday in ciidamada soo weeraray Gen. “Morgan.†ay yihiin rag Itixaad ah oo ka yimid Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose.

 

Cabdi Bare waxa uu ku hanjabay in Gen. “Morgan.†xiliyada soo socda oo uu wacdaro dhinaca dagaalka ah ka dhigi doono Gobolada Jubbooyinka, dibna aanu u laaban doonin ilaa uu ka gaaro hadafka uu leeyahay, oo ah qabsashada Gen. “Morgan.†ee Kismaay,

 

Gen. “Moorgan.†Waxa uu ka soo bilaabay duulaankiisan Ceel Barde oo dhacda xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ay ku wehliyaan jeneraalku weerarkan ciidan iyo xubno ka yimid dhanka Waqooyi Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubbada Hoose:Cududda Milleteri ee SPM/SRRC oo sii xoogaysanaya iyo dagaallo shalay iyo maanta ka dhacay deegaanka Jubbooyinka

 

- Sunday, September 19, 2004 at 17:03

 

Nairobi(Allpuntland)-Wararka lagu helayo khadka isgaarsiinta ee fooneeyaha loo yaqaan ee degmooyinka gobolka Jubbada hoose qaarkood ayaa xaqiijinaya in dagaallo ay shalay iyo maanta ka dheceen goobo kala gedisan oo deegaanadaas ah.

 

Dagaaladaas ayaa waxaa isaga horyimid maleeshiyooyin kala duwan oo kala raacsan Isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu hoggaamiyo Col.Barre Aadan Shire(Hiiraale) iyo kuwa SPM/SRRC oo taabacsan Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan.

 

Mid ka mid ah dagaaladaas ayaa sida wararka qaarkood sheegayaan shalay galab waxa uu ka dhacay agagaarka Bilis Qooqaani oo ku taal gobolka Jubadda hoose waxaana halkaa isku haleelay maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu hoggaaminayey nin la yiraahdo Cabbaas iyo ciidammo ka tirsan SPM/SRRC ee deegaankaas oo sida ay sheegteen SPM/SRRCdu ay halkaas ku burburiyeen maleeshiyadaas ,iyagoo u cararay dhanka Kismaayo ,waxayna sheegteen inay ka qabsadeen kuwa soo duuley labo gaari oo kuwa dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada ,inkastoo aanay jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya ,marka laga reebo sheegashada SPM/SRRCda.

 

Dhanka kale ciidammada SPM/SRRC ee iyaguna ku sugan agagaarka magaalada Kismaayo oo maalmihii u danbeeyey dagaallo ba'ani ku dhexmarayeen goobahaas iyaga iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa waxay sheegayaan in shalay iyo maanta ay halkaas iska hor imaadyo ka dheceen ,kuwaasoo aanay jirin cid ka warhaysa khasaaraha halkaas ka dhacay ,balse wararka laga helayo ilo ku dhow dhow aagga dagaalkaasi ka socdo ayaa sheegaya in dib loo waabiyey maleeshiyada Dooxada Jubba oo dhaawac farabadan geeyey Isbitaalka magaalada Kismaayo oo hore ula ciirciirayey dhaawacyo farabadan oo ka tirsan maleeshiyooyinkii waxyeelladu ka soo gaartey dagaalladii u danbeeyey ,waxayna Isbahaysiga Dooxada Jubba qirteen in tuulada Xaliimo Caddey oo Waqooyi Galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo ay baabuur miino kala qaraxday ay ku nafwaayeen ilaa 7 maleeshiyo ah isla markaana ay dhowr iyo toban kalana ku dhaawacmeen.

 

Dagaal kale ayaa isaguna waxa uu saaka ka dhacay sida wararku sheegayaan meel u dhow degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ,kuwaasoo maleeshiyo ka tirsan Dooxada Jubba oo iyagoo doonyo wata dhanka xeebta soo maray ay is haleeleen cutubyo ka tirsan kuwa SPM/SRRC oo goobahaas ku sugnaa, halkaasoo sida la sheegay khasaare ba'an loogu geystey kuwa soo duuley,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maleeshiyadaas uu watey sarkaal ka tirsan Dooxada Jubba oo la yiraahdo Timajilic,oo warar la isla dhexmarayaa sheegayaan inuuba ku geeriyoodey dagaalkii saaka.

 

Waxaa kaloo jira in maalmihii la soo dhaafay Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu ku gudajirey sidii uu Cutubyo dheeraad ah oo ka tirsan SPMta uga diyaarin lahaa deegaanka ku xeeran magaalada Kismaayo si ay u qabsadaan magaalada Dekedda ah ee Kismaayo ,iyadoo tan iyo intii maleeshiyooyinka kala duwan oo ka soo duuley Muqdisho iyo Marka ay dhibaatooyin isugu jirey dhac,dil ,iyo gubitaan dhismayaal u geysteen magaalada Dhoobley ay dadka deegaanku aad u kacsanaayeen,taasina ay sababtay in saraakiil aan markii hore isku siyaasad ahayn oo ka tirsan SPMta ay u midoobaan sidii ay uga saari lahaayeen deegaankooda dadka ku soo duuley.

 

Wararka maalmahaan soo baxayey oo run ahaantii aan ahayn kuwo 100% lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayay in ilaa toddobaadkii la soo dhaafay markii ay dagaalladu ka bilaabmeen agagaarka magaalada Kismaayo ay dhaawacyo iyo dhimashooyin la soo gudboonaadeen saraakiil caan ah oo ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba oo uu ka mid yahay Col.Barre Hiiraale oo la sheegay inuu ka dhaawacmay garabka ,halka ninka abaanduulaha u ahaa Isbahaysiga Dooxada Jubba oo lagu magacaabo Maxamed Rooble Jimcaale(Goobaale) ay wararka qaarkood sheegayaan inuu ku geeriyoodey Isbitaalka magaalada Kismaayo shalay subax ka dib dhaawac ka soo gaarey dagaalladii doraad ka dhacay agagaarka Kismaayo,iyadoo Timajilic oo ka tirsan hoggaamiyayaasha Dooxada Jubba ay wararkii maanta soo baxayey sheegayeen inuu dagaalladii saaka ku geeriyoodey,mase jiraan cid si rasmi ah u caddaysay wararkaas iyo wax war ah oo ka soo baxay dhanka Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay ku caddaynayaan ama ku beeninayaan wararkaas soo baxayey beryahaanba.

 

Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa maalmahaan sheeganayey inay dagaalladii ka soconayey soo afjareen oo guul ka gaareen maleeshiyadii deegaanka ee ay isku hayeen inta u dhaxaysa Hoosungo iyo Kismaayo ,iyagoo intaa ku darayey in Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu u soo tallaabay dhanka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ,balse waxaad moodaa arrimahaas oo dhammi inay beenoobeen oo dagaalkii hadda koow yahay ,isla markaana maalmaha soo socda la filayo inay dagaallo lixaad lehi ka dhacaan deegaanka Jubbooyinka ee ku xeeran magaalada Kismaayo.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Mar Kale Dhex Maray Kooxihii Jubbooyinka Isku Haystay

 

Kooxda Moorgan Oo Guul Sheegatay Inay Ka Gaartay Dagaalkii Maanta...

Dagaal ayaa saaka wuxuu mar kale ku dhex maray ciidamada Moorgan iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba goob ay deganayaan Maleeshiyada Moorgan.

 

Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay meel 20 Km u jirta tuulada Buula Xaaji, oo ay degen yihiin ciidamada Moorgan. Afhayeen jooga degmada Afmadow oo u hadlay ciidamada Moorgan ayaa Idaacadda Midnimo u sheegay in ay jebiyeen ciidamadii Isbahaysiga ee saaka weerarka ku soo qaaday, isla markaasna ay dhimasho iyo dhaawac u geysteen.

 

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Madoobe, Sarkaalkaas oo uu sheegay in uu ka mid ahaa ciidamo ka soo duulay degmada Marka oo uu soo diray nin lagu magacaabo Yuusuf Indhacade. Wuxuu kaloo afhayeenkani sheegay in ay laba gaari oo Tikniko ah ka qabsadeen ciidamada Isbaysiga ee duullaanka ku soo qaaday.

 

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Isbaysiga oo sheegaya khasaaraha dagaalka maanta dhacay, hase yeeshee, waxaa Isbitaalka magaalada Kismaayo saaka la geeyey dhaawac tiradiisu gaareyso 10 nin, kuwaasoo ku soo dhaawacmay dagaalkii saaka dhacay, warkan ayaa waxaa noo xaqiijiyey qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada Kismaayo.

 

Dagaalladan soo cusboonaaday iyadoo gogol nabadeed loo fadhiyo Kenya qabqablayaasha haatan dagallka wadana ay halkaa joogaan ayaan la garanayn sababta kalliftay in dagaalka ay dib usoo gocdaan oo shirkaba uga soo tagaan iyo cidda weliba ka danbaysa ee kusoo dhiirro gelisay.

 

Wax dhaqdhaqaaq nabadayn ah iyo cadaadis kaimaanaya beesha caalamka Soomaalida ku shirsan Kenya ayaan isagu muuqan taasoo muujinaysa in weli dhiiggii shacabka Soomaaliyeed uu raqiis ka yahay agta shacabka iyo hogaanka Soomaalida iyo beesha kale ee danaysa arrimaha Soomaalidaba.

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Moorgan oo jooga aaga hore ee dagaalka & Dagaalo ka soo cusboonaaday Gobaladda Jubbooyinka. Iyo Guulo ay Labada dhinac ee Moorgan iyo Dooxadda Jubaba sheeganayaan.

 

Mogadishu – 19 September 2004 – [Mudugonline] dagaalo kale oo hor leh ayaa ka billawday Gobaladda Jubbooyinka. Kadib markii uu dib ugu soo laabtay Gen Moorgan goobihii horay Dagaaladu uga dhacen.

 

Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa xaqiijiyay inay dib uga qarxeen Dagaalo Cusub Deegaanadda Hoozingoow iyo Xaliimo Cadeey oo ka tirsan Gobaladda Jubbooyinka. Kadib markii Gen Moorgan uu dib ugu soo laabtay Fariisamadii ay horay dagaalka uga dhaceen oo ciidamada Moorgan ka aag badasheen balse kuwa dooxada Jubba ku tilmaameen inay qabsadeen. Dagaalada cusub ayaan wali si dhaba loo ogayn qasaarihiisa waxaase warar horudhac ah sheegayaan in dagaal shalay galab ka dhacay Bilis Qooqaani ay ciidamada SPM ee deegaanka Jubooyinku ay ka furteen 2 tekniko kuwa isbahaysiga dooxada Jubba. Dagaal kale oo isna ka dhacay degmada Badhaadhe ayaa warar aan wali la xaqiijin sheegayaan inuu ku geeriyooday sarkaalkii watay ciidamada Isbahaysiga oo lagu magacaabo Timajilic. Dagaal kale oo saaka ka dhacay meel u dhow Buula Xaaji ayaa la sheegay in ciidamada Isbahaysiga Barre Hiiraale kala kulmeen qasaarooyin badan walise lama hayo khasaaraha inta uu le'eg yahay. Ciidamada Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa iyaguna sheeganaya in 4 gaari ka furteen ciidamada Gen. Moorgan, mana jirto wax cadeynaya sheegashadaas.

 

Mar la waydiiyay C/laahi Salaad oo ka mida dooxada jubba waxa ka jira in Ciidamadooda ay Bililiqo Xoogan ka gaysteen Magaaladda Dhoobleey waxa uu qiray in Qaybtii ugu horaysay ee Ciidamadooda tagay Dhoobleey inay wax xoogaa Bililiqo ah gaysteen. Laakiin waxa uu sheegay in markii dambe uu Col Barre Hiiraale ka hortagay in Bililiqaddu ay sii socoto. Warkaas oo ka horimaanaya wararka ka imaanaya degaanka dhooblay oo sheegaya 3-dii saac ee ciidamada ISbahaysigu joogeen magalada dhooblay inay mashquul ku ahaayeen hawlaha bililiqada, dilka, kufsiga iyo goobihii ganacsiga oo ay dab qabadsiiyeen.

 

Cabdi Barre oo ah afhayeenka Gen. Moorgan W/ameerika oo la soo xiriiray Iddaacad FM ah oo Saldhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Moorgan uu dib ugu gurtay Xeelad Dagaal markii hore hadda ku sugan yihiin goobahoodii hore. Wuxuuna beeniyay in Ciidamadda Moorgan ay u carareen Xuduuda Kenya. Waxuu kaloo sheegay in Goobtii dagaalka ee Husingow ay xeel dagaal uga gurteen ee aan xoog looga qabsan, haddana dib ugu soo noqdeen, mana jirto ayuu yiri wax gaadiid ah oo laga qabsaday. Cabdi Barre ayaa sheegay in qudhiisu la hadlay Gen. Moorgan uuna ku sugan yahay aaga hore ee dagaalka. Cabdi Barre waxa uu sheegay in Ciidamadda Moorgan ay soo weerareen Koox Al-Itixaad ah oo Muqdisho iyo Shabeeladda Hoose ka soo duulay kuwaas oo isku magacaaba maxkamadaha Islaamiga. Wuxuuna sheegay in Moorgan iyo Ciidamadiisu inaysan dib u laaban doonin tan iyo inta ay ka xaqiijinayaan inay dadka jubooyinka ka korkiciyaan ********ta ku soo duushay.

 

Dhinaca kale, Yuusuf Indhacade oo ah ninka xooga ku haysta magaalada Marka ee gobolka SH/hoose hogaaaminayayna dagaalkii lagu gubay magaalada dhooblay ayaa hadda bilaabay inuu beeniyo inuu ku luglahaa dagaalkaas. Maxamed Cismaan Cabdi oo ka mida taageerayaasha Yuusuf Indhacade oo Qadka Taleefoonka kula soo xiriiray Shabakadan ayaa beeniyay in Yuusuf Indhacade inuu ku lug leeyahay Dagaaladda ka soo cusboonaaday Gobaladda Jubbooyinka. Warkaa ayaa wuxuu ka hor imaanayaa wararka laga helayay magaalada dhooblay 2-dii maalmood ee u dambeysay oo sheegayay in Yuusuf Indhacade horkacayay ciidamaas bililaqaystay magaalada Dhooblay.

 

Isku soo duub oo dagaalada Jubooyinka ayaa hadda laba lixaadsaday, iyadoo dadka deegaanka oo taageero lixaad siiyay ciidamada Gen. Moorgan ay goobo badan dagaal ugala jiraan kooxaha Isbahaystay ee dooaxada Jubba, dagaalkuna maalin maalinta ka dambeysa sii fidayo khasaarihiisuna sii badanayo. Barre Hiiraale ayaa bilowgii mar la weydiiyay waxa uu ka fili karo dagaalkaan ayuu sheegay in qolyahaan Gen. Morgaan taageeraa ama sidii caadada u hayd carari doonaan ama ay rag noqdaan oo dagaalami doonaan.

 

Waxaa isku soo aruuriyay Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†& Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this