Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland oo diiday Xildhibaannada la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
415040294_769959238494727_57976486279682

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland Isxaaq Axmed Xasan oo shir jaraa’idu qabtay warbaahinta ayaa ka horyijmid liiska la shaaciyay ee xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Aroortii hore ee saaka ayuu soo baxay liiska oo ka kooban 66 xildhibaan oo ay ku jiraan 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatuma, waxaana akhriyay xoghayaha guddiga doorashada.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in liiskaas ay soo gudbisay madaxtooyada, xubnaha ku qorana aysan soo marin habraacii saxda ahaa ee doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri Isxaaq.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrintaan lama filaan ku noqotay, isla markaana ay tahay wax laga xumaado in doorashadii ay la wareegto madaxtooyada.

“Arintaas waxay igu noqotay lama filaan waxay keentay khilaaf illaa xalay waxaa socday muran dhammaan waayay” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu caddeeyay inay waxba kama jiraan uu yahay liiska la shaaciyay, maadaama aanu isagu saxiixin, sida uu ku dooday guddoomiyaha guddiga doorashada.

“Aniga waxaan u caddeynayaa Ummadda reer Puntland wixii xalay meeshaas ka dhacayay wax ka jira inaana jirin, mana saxiixin liiskaasi, raallina kama ihi” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo liiska la shaaciyay ay kusoo baxeen xubno badan oo ay wadato madaxtooyada, taas oo hadal heyn xoogan ka dhalisay Puntland.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay dhankooda horay tallaabadan uga digeen xubnaha mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo kaliya 49 xildhibaan.

The post Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland oo diiday Xildhibaannada la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this