Deeq A. Posted January 1, 2024 Dhammaan xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa saaka lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan xarunta Baarlamanka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa lagu wargeliyay xubnaha cusub in soo xaadiraan munaasabadda dhaarinta Baarlamanka. “Waxaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan munaasibadda dhaarinta xildhibaanada cusub”. ” Goobtu waa Xarunta Golaha Wakiillada. Waqtiguna waa 10:00 Am (Subaxnimo)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame. PUNTLAND POST The post Baarlamanka cusub ee Puntland oo saaka la dhaarinayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites