Deeq A. Posted November 30, 2023 Laba nin oo Falastiiniyiin ah ayaa saaka oo khamiis ah weerar ku qaaday galbeedka magaalada Qudus Raggan ayaa rasaas ku furay goob basaska laga raaco, waxaana weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 qof. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen 8 qof oo kale. Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay labada nin ee weerarka geystay. Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili Israel ay weeraro joogto ah ku heyso shacabka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed. Israel ayaa sidoo kale diiday in inta badan shacabka Falastiin ku tukadaan Masaajidka Al Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus tan iyo 7dii bishii Oktoober. Source Share this post Link to post Share on other sites