Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: President Cade Muse of Puntland meets with US German ambassadors PICS

Recommended Posts

safar1.jpg

Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka dowlada Mareykanka Arimaha Itoobiya oo wada hadalo yeeshay.

12. oktober 2007

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi & Safiirka dowlada Mareykanka ujooga dalka Itoobiya Donald Yamamoto ayagoo ka wada hadley Iskaashiga labada dhinac.

 

Kulankaan warka ku saabsan oo lugu daabacey Web-site ay leedahay dowlada Puntland ayaa lugu sheegay in uu Madaxweyne Cade Muuse ka codsaday Safiirka in ay dowlada Mareykanku Puntland gacan ka siiso waxka qabashada arimaha ku aadan Horumarinta deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadley Safiirka Mareykanka ujooga magaalada Addis Ababa arimaha Soomaaliya gaar ahaan doorka ay Puntland ka qaadaneyso taabagalinta waxyaabihii ka soo baxey Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed.

 

Cade Muuse ayaa shaaca ka qaadey in ay Puntland udirsatey Shirkaasi ergadii kaga soo aadey qeyb ahaan isla markaana ay Ergadii hataan dib ugu soo laabatey Puntland ,ayna dibu heshiisiinta sii wadayaan ,isagoo Cade Muuse rajo wanaagsan ka muujiyey in ay dhaqan galaan waxyaabihii ka soo baxey Shirkii Muqdisho.

 

Safiirka Mareykanka ujooga dalka Itoobiya Donald Yamamoto ayaa mahad celin balaraan ujeediyay dowlad gobaleedka Puntland sida ay utaageerto dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee ay xubinta ka tahay ,isagoo Puntland ku amaaney sidoo kale nabadgalyada ka jirta deegaanadadooda isagoo ugu baaqey dadka reer Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Mr. Yamamoto wuxuu kaloo Puntland usheegay in looga baahan yahay in ay door muuqda ka ciyaarto sidii looga bartey arimaha Soomaaliya sidii mar kale layskugu keeni lahaa iyo waliba taageerida dhamaanba qodobadii ka soo baxey Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed loogu soo xira

Sidoo kale labada masuul waxa ay ka wada xaajoodeen arimaha amniga ee Soomaaliya iyo sidii dowlada Mareykanku gacan uga heysan lahayd howlaha nabad ilaalinta ee ka socda dalka Soomaaliya.

 

Wada hadaladan ayaa ka dhacay Safaarada dowlada Mareykanku ku leedahay Magaalada Addis Ababa ayadoo Madaxweyne Cade Muuse ku waheliyeen booqashadan wasiirka Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Xoghayaha Koowaad ee Safaarada DFKMG ee Addis Abab Mahad Faarax Gaas.

 

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia

Last Updated::2007-10-12 19:44:30

 

Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Musse Xirsi iyo safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Donald Yamamoto ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda Maraykanku ku leedahay Addis Ababa.

 

Madaxwaynaha iyo Danjire Yamamoto ayaa kulankoodi isku waydaarsaday aragtidooda dhanka Gobolka iyo weliba doorka ay Puntland ku yeelan karto xoojinta amniga Gobolka.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa intii kulanku socday ka warramay mashaariicda horumarinta dhaqaalaha Puntland ee hadda la wado iyo horumarka Puntland ee ku aaddan hanashada nidaam xsibiyo ama axsaab kala duwan.Isagoo sii wata hadalkiisa ayaa madaxwaynuhu sheegay in Puntland u baahan tahay taageerada beesha caalamka ee ku aaddan horumarinta Puntland.Mudane Saciid Maxamed Raage oo goobjooj ka ahaa kulanka madaxwaynaha iyo safiirka ayaa ka hadlay baaxadda wayn ee xeebta Puntland. "Waaanu leenahay xeeb qiyaastii dhererekeedu yahay 1650KM haddana annagoo adeegsanayna agabkayaga ( our limited facility ) xadidan ayaanu qaadnay tallaboyoonin wax ku ool ah ee ku aaddan xagga la dagaalanka, kalluumaysiga sharci darrada ah ( oo loo yaqaan jiriifka ), daad guraynta dadka ( oo loo yaqaan tahriibta ) Shuftadada ( Argagaxisada ) baddaha iyo khataraha amniga guud ee ka iman kara badaha Puntland; intaas oo dhan waanu fulinay haddana waxaanu u baahan nahay in beesha caalamku nagu taakulayso la dagaalanka khataraha ka imaan kara badaha Puntland iyo horumarinta khayraadka ku jira badahaas, ayuu yiri wasiirku.

 

Xigasho Puntlandgovt.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

mn.jpg

Safiirka Dalka Jarmalka u fadhiya Adis-ababa oo la kulmay Madaxweynaha DGPL.

 

Saturday, 13-Oct 2007

 

Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Muse Xirsi ayaa kulan la yeeshay danjiraha dalka jarmalka u fadhiya itoobiya. Kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Jarmalka ee Addis Ababa ayaa waxaa ka qaybgalay ku xigeenka madaxa safaaradda mudane Peter Fahrenholtz iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda mudane Ray M. Carranza.

 

waxaa sidoo kale ku weheliyay kulanka madaxwaynaha xoghayaha 1aad ee safaarada dowladda federaalka somaliya ay ku leedahay Itoobiya mudane Mahad Farah Gaas.Madaxwaynaha iyo safiirku waxay kulankaas ku falanqeeyeen arrimo kala duwan oo la xiriira Gobolka oo ay ka mid yihiin amniga, hijrada sharci darrada ah iyo doorka mustaqbalka Puntland ay ku yeelan doonto arrimaha Somaliya. Madaxwaynaha mudane Maxamud Musse Xirsi ayaa ka hadlay mashaariicda horumarineed ee hadda ka socda Puntland iyo horumarka dowladda Puntland ee ku aaddan sidii loogu gudbi lahaa nidaamka xisbiyo badan. Wuxuu kaloo madaxwaynuhu kulanka ka sheegay arrimo la xiriira shirkii dib u heshiisiinta Somaaliyeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalo madaxda Moqadishu. " shirkaas oo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 300 oo ergay wuxuu ku dhamaaday guul, waxaanna rajaynayaa inuu shirku yahay tallaabadii 1aad ee u horseedi lahayd Somaliya mustaqbal fiican" ayuu yiri madaxwaynuhu. Madaxwaynuhu wuxuu la scodsiiyay safiirka inuu federaalka somaliya noqon doono nidaam federaali ah oo la mid ah nidaamka federaaliga Jarmalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Puntland oo Beesha Caalamka codsatey Gacansiinta Ilaalinta Xeebta dheer ee Puntland.

 

13. oktober 2007

Addis Ababa(AllPuntland)- Dowlad gobaleedka Puntland ayaa ka codsatey Beesha Caalamka in gacan lasiiyo ilaalinta xeebta dheer ee Puntland ,oo wax walbaa halisteeda leh.

 

Wasiirku Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Mr.Siciid Maxamed Raage oo jooga Magaalada Addis Ababa ayaa ka codsadey Dowlada Mareykanka in laga taageero dhinac ilaalinta xeebta Puntland ,ayadoo wax kaliya eelaga caawinayaa tahay dagaal ay kula jirto Tahriibta iyo Argagixisada caalamiga ah oo inta badan xeebaha Puntland looga shakiyo.

 

Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in xeebta Puntland dherarkeedu yahay 1650KM ayna ka codsaneyso Bulshada caalamka in arintaasi laga gacansiiyo dowlad gobaleedka Puntland ,isla markaana ay waxa ay dooneyso in beesha caalamku wax kala qabto.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in looga baahan yahay beesha caalamka in ay Puntland wax kala qabto arimaha Xasaasiga ah ee ka jira ,si gaarna loo kaalmeeya Ladagaalanka kooxaha ka soo horjeeda amniga Aduunka gaar ahaan kan gobalka Geeska Africa.

 

Wasiirku Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Mr.Siciid Maxamed Raage ayaa usheegay Beesha Caalamka in ay Puntland gudaheeda isku filan tahay ,balse wuxuu sheegay wasiirku in waxyaabahaan oo kale ay yihiin kuwa ay iska kaashadaan beesha caalamka.

 

Dowlada Puntland ayaa xeebaheeda waxa ay udhisteen ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ayagoo markaasina ciidamadaasi ay fuliyeen howlgalo kala duwan ,kuwaasoo soo qabtey waxyaabo badan oo hoos udhigay dad doonayay in ay Tahriibaan.

 

Dowlada Mareykanka ayaa sannadkan waxa ay weerar dhinaca Cirka ay ku garaaceen deegaanka Baar-gaal ee gobalka Bari oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo ka soo fakadey Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seyuum Mesfin::: Puntland waxay Tusaale fiican u tahay Soomaliya oo dhan

Last Updated::2007-10-13 19:09:37

 

Addis Abab (HRNet):- Kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya Mr.Seyuum Mesfin

ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo Itoobiya.

 

Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa horey kulamo khaas ah la yeeshay Diblumaasiyiin sar sare oo ka socda Dowlada Maraykanka iyo Jarmalka.

 

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka arrimaha Dibada ayaa diirada lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya Puntland iyo gobalada Itoobiya iyo waliba xiriirka dhinaca sugida amniga.

 

Kulankan waxaa sidoo kale ku sugnaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibada ee Dowlada Itoobiya Mr. Abdeta Dribssa.

Mr.Mesfin oo ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay si weyn u tixgalineyso xiriirka ay la leedahay Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in danta Itoobiya ay ku jirto hagaajinta iyo sare u qaadida xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Maamulka Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac meel isla dhigeen in lasii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo iskaashiga.

 

Waxaana kulankaasi lagu soo hadal qaaday sameynta Qunsulad ay labada maamul is dhaafsadaan qunsuladahaasi oo laga hirgelin doono Puntland iyo Itoobiya, si markaasi loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan dalka Itoobiya imaan doonaa wafuud balaaran oo ka socda Puntland kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha Ganacsiga iyo Amniga.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this