Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo qafaashay Markab laga leeyahay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Markabkan oo lagu magacaabo Global Leader ayaa la sheegay in maanta laga qafaashay Badda Cas.

Maamulka Israa’iil ayaa ku eedeeyey falkan dowlada Iran, balse Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku dhigeen.

Shirkadda Markabkan leh ayey xarunteedu tahay UK, balse waxaa shirkadaasi saami kuleh Maalqabeen Israa’iili ah.

Markabkan oo hada u kireysan shirkad Jabanees ah ayaa kasoo baxay dalka India wuxuuna kusii jeeday waddanka Turkiga.

Shaqaalaha saaran Markabkan ayaa la sheegay inay heystaan dhalashooyin kala duwan, balse kuma jiraan kuwo u dhashay Israa’iil.

Xuutiyiinta Yemen ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay shaaciyey inay gacanta ku dhigi doonaan dhammaan Maraakiibta laga leeyahay Israa’iil.

Waxayna kooxdaasi sheegtay inay sii wadi doonto duulaanka ka dhanka ah Israa’iil inta ay duqeynta ku wado Gaza.

Kooxda Xuutiyiinta oo gacan-saar laleh Xisbullahda Lubnaan iyo Xamaas ayaa la sheegaa inay taageero ka helaan dowlada Iran.

Tan iyo intuu billaamay dagaalka Gaza, kooxda Xuutiyiinta ayaa shan mar gantaalo ku tuuray xeebaha dhulka Israa’iil ka taliso, iyagoona soo riday Drone uu leeyahay Militariga Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this