Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President on a Trip to Kuwait

Recommended Posts

Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa qaddar daqiiqado ah kahor ka duulay gegida diyaaradaha caalamiga Hargeysa ee Egal international airport iyagoo ku sii jeeda dalka Kuweyt.

 

 

Madaxweyaha iyo waftigiisa oo martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Kuweyt,nuxurka socdaalkiisa iyo warbixino kaleba goordhow kala soco shabakaddan Qarannews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is not owned by the government but it has a strong ties with it .............

 

 

Xaaji, read the news there is where you get some hints now ..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah i got it now markii hore war faah faahisan manu hellin.

 

Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale iyo wafti uu hogaaminayo oo dalka ka dhoofay

Written by Qarannews

Jun 14, 2009 at 06:12 AM

Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay caasimadda Hargeysa, iyagoo abaaro 1.00 PM (Koowdii) duhurnimona ka duulay gegida diyaaradaha caalamiga ee Berbera iyagoo ku sii jeeda dalka Kuweyt.

Madaxweyaha iyo waftigiisa oo uu weheliyo wasiirka waxbarashada Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Kuweyt.

 

Mar aanu isku daynay inaanu weftiga wax ka weydiino ujeedada dhabta ah ee socdaalkooda ayaanay noo suurta-gelin inaanu xaqiiqada safarka madaxweynaha iyo weftigiisa wax ka ogaano,iyagoo jawaabahooda kusoo koobay "Safarkayagu waa martiqaad aanu ka helnay xukuumadda Kuweyt, waxaanuna la kulmi doonaa madaxda dalkaas balse hadda ma rabno inaanu ka hor dhacno nuxurka ama ujeedada safarkayaga", kulanka labada dhinac kadib ayaanu warsaxaafadeed ka soo sari doonaa ayay intaa sii raaciyeen.

 

Waxa kale oo isna maanta dalka ka dhoofay wasiirka duulista hawada Md.Cali Maxamed Warancadde oo u dhoofay Jabuuti,halkaas oo uu isna u tegey hawlo la xidhiidha balaadhinta garoonka diyaaradaha ee Berbera.

 

Waxa kale oo berri oo isniin ah dalka ka dhoofi doona wasiirada maaliyadda iyo arrimaha dibadda oo u socdaali doona magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kiiniya,halkaas oo ay kula kulmi doonaan hay'ado caalami ah iyo safiirada dalalka reer galbeedka u fadhiya dalkaas iyo weliba masuuliyiin ka tirsan dowladda Kiiniya.

 

Qarannews desk.

 

Hargeysa,Soomaalilan d.

 

Last Updated ( Jun 14, 2009 at 09:03 AM )

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President and the Minister of Education to Kuwait.

 

The Minister of Aviation to Djibouti

 

The Ministers of Finance and Foreign Affairs to Kenya

 

 

Hmmmmmmmmmmmmmmmmmm. ...... Let's see

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah it says they are invited by the government of Kuwait we will wait for the pictures. President riyaale and the minister of education xassan ghadhweyne..

The minster of finance always visits Kenya for some reasons he got lots of houses in Nairobi I doubt it has something to do with politics. Laakin ina dhola yara buu manta kaxaystey mala saffarku ku qariinayaa,

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale Oo Safar Qarsoodi Ah Maanta Ugu Kicitimay Dalka Kuweyti, Saxaafaddana ka Dhukusay Markii Uu Baxayay

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

(Madaxweyne Rayaale )

hadhwanaag 2009-06-14 (Hadhwanaagnews) Berbera(HWN):–Madaxw eynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kulan qarsoodi ah oo aan hore loo soo shaacin ugu kicitimay dalka Kuweyti, ka dib markii uu abbaaro 1:000-kii Subaxnimo dhinaca Magaaladda Berbera uga baqoolay Hargeysa, waxaanay Madaxweynaha iyo Weftigiisu Diyaarad kaga duuleen Madaarka Berbera.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale oo Saxaafadda ka dhukusay ayaa la sheegay in Xubnaha Weftigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Isla markaana ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu qayb ka yahay, sida la sheegay inuu qalinka ku duugay in ay maal Gashadaan Warshada Sibidhka ee Berbera amiir u dhashay dalka Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka gobolka Saaxil.

 

Heshiiskan maalgashiga wershada sibidhka ee Berbera oo la sheegay in shalay galinkii dambe uu Madaxweyne Rayaale Qalinka ku duugay ayaa waxa uu tibaaxayaa inay maalgashiga warshada uu si isleeg u siiyey amiir reer Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka Saaxil, kadib markii qorshe ay ganacsato reer Somaliland ahi ay ku doonayeen inay wada jir u maalgashadaan wershadii hore ee sibidhka Berbera uu Rayaale ka diiday, isla markaana uu Amiirkan reer Kuwaiti siiyey 50% (Boqolkiiba Konton), taas oo ganacsatada intii badnayd ay diideen marka laga reebo ganacsato reer Saaxil ah oo iyagu 50%-ka soo hadhay shuraako ku ah.

 

Dhinaca kale Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw madaxtooyadu Madaxweyne Rayaale oo maanta u baqoolay dhinaca dalka Kuwaiti, halkaas oo uu amiirka reer Kuwaiti ee la siiyey maalgashiga Wershada sibidhka uu diyaarad khaas ah u soo diri doono.

 

Amiirkan oo uu dhalay Boqorka Dalka Kuwaiti, kaas oo magaciisa la yidhaa Amiir Xamdi Al-sabaax ayaa sanadkii 2000 dhul ka iibsaday magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil, halkaas oo ay boqortooyada Kuwaiti ka dhisanayso Qasri iyo beer ay xiliyada fasaxyada ku raaxaystaan.

 

Wiilkan uu dhalay boqorka Kuwaiti ayaa sanadkan horaantiisii booqasho ku yimid Somaliland, xiligaas oo la filayo inay ku dhalatay maalgashiga warshada sibidhka ee Berbera oo hore Rayaale u sheegay inay maalgalinayaan shirkado Germany ah, balse markii ay beenawday maalgashiga .

 

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well I haven’t been to Nairobi but it’s not a secret the corruption of the Minister of finance, Cawil.

Ask your self why was the former minister of finance Maxammad xashi cilmi why was he fired because he was honest and pointed out all the corruption of the riyaale administration. That’s why riyaale replaced him with cawil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Did Mohamed Hashi pointed out the corruption when he was the minister of after he is fired ?? ,,,

 

You said it is not secret ,, ehem ,, now do you personally have any proof ??

Share this post


Link to post
Share on other sites

He was the minister he pointed out all the errors in the budget of Somaliland and riyaale fired him it was very clear every one knew that,, shalay bay ahayd.

There is enough proof cawil and his corruption, laakin waad iska indha tiiraysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Xaashi oo si xoog leh u dhaliilay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Somaliland & Ku xigeenkiisa

 

Maxamed Xaashi Cilmi

April 03, 2009

_______________

Hargeysa, April 03, 2009 (WDN) - Guddoomiye xigeenka urur siyaasadeedka Qaran

Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa bayaan qoraal ah oo uu aad ugu dhaliilayo muddo kordhinta 6 bilood ah ee ay Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa soo saaray dhawaan. Waxa kale oo uu Md. Maxamed Xaashi dhaliil iyana usoo jeediyay Golaha Wakiilada oo uu ku tilmaamay in ay ka gaabiyeen xilkoodii kol hadday miisaaniyad ay og yihiin in ay khaldan tahay, xisaab xidhna looga keenin ansixinayaan sannad walba.

 

 

Bayaankaas oo dhamaytirsani waxa uu u qornaa sidan:

 

Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu uhiimsan arrimahan soo socda :-

 

Qodobka 38: 4-j Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabbagalka cadaaladda oo sal u ah xasiloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland”.

Bal u fiirso hab-dhaqanka labada gole ee Baarlamaanka Golaha Guurtidu wuxu go’aamiyay, 28 March 2009 inuu muddada xilka u kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweyne lix bilood oo ku egg ilaa 29 Oct. 2009.

 

Suaashu waxa ay tahay, muddo kordhintani Dastuurka ma waafaqsan tahay? Jawaabtu waa maya.

 

Dastuurka Qodobka 83: 5 wuxu u qoran yahay, sidan: “ Haddii ay suurtoobiweydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto”

 

Mudanayaasha u codeeyay, muddo kordhinta xilka ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxa ay ku gafeen, Dastuurkii Qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, iyaga oo danahooda gaarka ah ka doorbidaya, Xilkii loo igmaday iyo Xaaladaha adage ee dalku marayo. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa xilka loo doortay shan sannadood May 2002, ilaa May 2008kii. Waa mar labaadkii Guurtidu u kordhisay muddada xilka, oo aan Dastuurka waafaqsanayn.

 

Maanta waxa ay ku joogaan ma aha sharci iyo doorasho ee waa ku meel-gaadh (Interim Government), illaa 6 da April 2009. Muddo kordhintani, waa mid dadweynaha xorta ihi ka soo horjeedo. Waa mid aan la qaadan karin oo aan la yeeleyn. Waa mid dalka u horseedaysa xasillooni darro. Waa mid ka soo horjeedda rabitaanka dadweynaha danaynaya jiritaanka iyo Qaranimada JSL. Waa mid caqabad ku ah geedi socodkii doorashaooyinka. Waxa iyana isweydiin leh, Maxaa u sal ah xidhiidhka iyo kal-gaceylka odayaasha Guurtida ee goor walba u dhaga-nugul amar qaloocan oo Madaxweyne? Labadan arrimood baa sabab u ah;

 

1. Aqoon darro ay xilka culus ee loo xambaariyay, aanay ku gudan karayn. Mudanayaasha intooda badani, ma gaadh-siisna waxbarasho dugsi dhexe.

 

2. Dhaqaale ama dhaameel salka ku haya awooddaa lacageed ee laxaadka leh ee ku soo ururta Madaxweyne. Awooddaa dhaqaale, ayaa hooyada xumaha dalka ah. Maalinta loo kordhiyaa maamulkan waa dar-xumo, u soo koradhay JSL shaqaalihii iyo ciidamada kala duwan ee Qaranka ee mushaharka la siiyaa hadda, uu ka hooseeyo 500 % kii la siin jiray 1994kii.

 

Shaxda 1: Isu-eegid Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada

 

Darajada A Mushaharka Hadda $ 68.00 Mushaharka 1994 $ 340.00

Darajada B Mushaharka Hadda $ 56.00 Mushaharka 1994 $ 280.00

Darajada C Mushaharka Hadda $ 42.00 Mushaharka 1994 $ 215.00

Darajada D Mushaharka Hadda $ 24.00 Mushaharka 1994 $ 120.00

 

Waxa intaa dheer shaqala la’aan, maceeshad qaali ah iyo iskuul-fii ku culus waalidka ardayda. Waa arrimaha da’yarta ku kalifay TAHRIIBKA.

 

Golaha Wakiilada, ayaa isna qayb ka ah dhaliisha iyo dhibaatada dalka. Wuxu ansixiyaa sannad walba, miisaaniyad ay ka dheregsan yihiin in adduun badani ka maqan yahay oo aan xisaab-xidhna lahayn. Waa arrin ah ku xad-gudub Dastuurka Qaranka, waana xil-gudasho darro.Waa ta abuurtay in awoodda dhaqaale iyo maamul ku soo ururto Madaxweyne; “Qodobka 55: 6.Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka , iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aana ka soo saarayaan Qodobka 7.

U soo bandhigidda (G/wakiilada) xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawrka Guud”.

Dhaqaalaha dalku wuu taag-daran yahay. waxana u sabab ah musuq-maasuq; Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu si weyn bay ugu tagrifalaan dhaqaalaha dalka. Dakhliga waxa loo qaybiyaa saddex meelood:

 

1-Qaybta libaaxa ( Madaxweyne), oo ah ta ugu badan. Taas oo aan gelin Miisaaniyadda Qaranka,

Qaybta Wasiirka. Qiyaas ahaan waa 45.5 % dakhligii soo xerooda, laakiin aan gelin Miisaaniyadda Qaranka. Dul-xaadis baa la odhan karaa.

Waxa soo hadhay waa inta Miisaaniyadda Qaranka lagu qoro, oo wax horumar ihi aan ku jirin, oo ay u weheliso feenashada wasiiradu.

 

Toddobadii sannadood ee Xukuumaddan, maalka ka lumay ummaddan saboolka ah, waxa uu noqon lahaa, in ka badan, shaxda qaybteeda sare oo ah $ 365,591,849. Waxa ummadda isu raacay, saboolnimo aan dalkeedu gabin iyo magac-xumo dawarsi. Sida Doorashada caalamku ha naga gar-gaaro, UNDP Madaxtooyada ha noo dayactirto iwm.

 

Shaxda 2: Dakhliyada aan Miisaaniyadda 2008 gelin:

 

Dakhliga la leexsado ee ah 45.5 %. (Eeg SL in Figures) $ 20,593,159

Dakhliga Haamaha Berbera $ 1,742,024 Dakhliga Dekedaha $. 8,000,000

Lacagta adage ee xoolaha dhoofa $ 3,883,356

Inta faro dhexdood ka baxda (15 %) $ 6,788,954

Hadhaaga miisaaniyaddii sannadkii hore (Feenashada wasiirada) $ 2,657,143

Dakhliga Maddaarada iyo $ 2.00 ee Waran Cadde $ 1,687,723

Labada qiime ee $ ( marka laga jaray lacagta adag ee raashinka

ciidamada ) $ 6,875,048

Isugeyn $ 52,,227,407

 

Kaluumaysiga:

Waa dakhli ka badan miisaaniyadda Qaranka Joint Venture Co. Royalty-Fish 15 % Qiimaha?

Foreign Co. Royalty-Fish 20 % Qiimaha ?

National Co Royalty-Crustacean 15 % Qiimaha ?

Joint Venture Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ?

Foreign Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ?

National Co. Royalty-Fish 10 % Qiimaha ?

Dhagaxa (Coral reef) ee laga iibiyo Masar iyo UA E ?

Iibka hantida maguurtada ah ?

Deeqda Dawladaha ?

 

Xil-gudashada G/Wakiilada ee Miisaaniyadda Qaranku, kuma eka dood iyo falanqeyn oo qudha. Waxa Dastuurku ku waajibiyay, inay maxkamadda u gudbiyaan ciddii ay hanti ummadeed ku maqan tahay ba.

Waxa soo afjarmi lahaa amar ku taagleynta iyo dhaameelka aan qarsoodiga lahayn. Guurtida khariban, af-miishaarka iyo suldaanka xun, baa laga nasan lahaaa, da’yartu shaqay heli lahayd dalkuna horumar buu gaadhi lahaa.

 

Ebbow iimaanka nagu so dabbaal.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamed Xaashi Cilmi

Aamiin

-------------------- ----------

F.G:

Soo ururinta Xogtani waxa ay igu qaadatay dhawr bilood. Waxa ka reeban HAFFAR iyo wax aan la HUBIN. Ilaha Xogtu (Source) waa Miisaaniyadaha Qaranka ilaa 2008 iyo buugga Somaliland In Figures ee Wasaaradda Qorshayntu soo saarto ee UN maal geliso, M. Xaashi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this